Amiin Caamir      Amiin Caamir

                                             

               AMIN CAAMIR: HALYEY ISBOORTIGA SOOMAALIYEED SUMCAD KU LEH

 

                                                                                       

Amin caamir Maxamed waa wadani ay Soomaalinimadda ku dheertahay,waa geesi aan ka leexanin runta,waa shaqsi aan garaneynin nin tooxsi marka Ummadda Soomaaliyeed loo adeegaayo,waa halyey ay Ummadda Soomaaliyeed ku faanto,qalinkiisa dahabiga ah waa qof ugu hiiliyey kuwa xuqooqdooda la duudsiyo, waa muwaadin aysan Soomaalidda waligii iloobi doonin,waxa erayadaasi laga hayaa Shaqsiyaadkii la soo shaqeeyey Amin Caamir intii aysan wadankeenu balaayadda ku habsanin.
Amin Caamir waxa uu ka soo jeedaa qoys Isboorti,waayo Aabihii isaga dhalay Marxuum Caamir Maxamed waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii Isboortiga Soomaaliyeed soo bilaabay sanadku markuu ahaa 1960,wuxuu ahaa Gudoomiyihii Kooxda K/Cagta    AUTOPARCO, kooxdaasoo ka mid aheyd kuwa ugu guulaha badan Kooxaha Soomaaliyeed,isla markaana taarikhda Isboortiga Soomaaliyeed baal dahab ah uga jirta,waxaana guulahaasi loo tiriyaa in ay qeyb wayn ka qaateen Marxuum Caamir Maxamed iyo saaxiibadii oo ay ka wada tirsanaayeen Guddigii soo hogaaminaayey Kooxdaasi.
 
Halyey Amiin Caamir waxa uu isagana ka tirsanaa kooxaha yaryarka ah oo ay laheyd Kooxda Kubadda Cagta ee gaadiidka,waxaana la soo wariyey in Amiin uu aad iyo aad ugu fiicnaa ku Ciyaaridda labada Lugood, isagoo ay taa u dheertahay in uu ku wanagsanaa xukumaada Kubadda,waxaana ay Tababarayaashii waagaasi saadaaliyeen in Amin uu noqonaayo Ciyaartoy Kubadda Cagta looga dambeeyo,laakiin nasiib daro waxa rajadii uu ka lahaa Kubadda Cagta ka joojiyey markii uu dhaawac Culus uu ka soo gaaray Jilibka taa oo u saamixi wayday in uu ku sii jiro Kubadda Cagta.
 
Amin Caamir Maxamed waxa kaloo uu yarantiisii ku fiicnaa Sawir gacmeedka,oo markii dambe noqday shaqsi looga dambeeyo ka dib markii ay tababar siiyeen khubaro Ajaaniib ah kuwaa oo kula taliyey in uusan dhaafin Farshaxanka.
Mar aanu Amiin weydiinay Sawir gacmeedyadii ugu xusuusta badnaa oo aad ka sameysay Isboortiga waayihii barisamaadkii ayuu waxa uu ku jawaabay.
 
1) Ciyaar dhexmartay Dawladda Hoose iyo Madbacadda ayaa waxa dhacday in Tuurasho xor ah loo dhigay Naadiga Dawladda Hoose,waxaana tuurashadaasi laadaayey Kabtanka Kooxda Kubadda Cagta ee Naadiga Munishiibiyo Mudane Cumar Calasow raaghe,markii uu Kubadii laaday ayaa waxa ka baxday KABTII,kubadiina way dhalatay,labadii Garsoore oo kala ahaa Garsoore Koowaad Xaaji Yusuf iyo Calanwale Kowaad Sheililah ayaa waxa ay is waydiiyeen Kabtii baxday,,,arrintaa waxay aheyd mid aad iyo aad aan u xusuusto.
2) Midda kale oo Xusuusteyda ka go'in waxay tahay SHOROBO DI GOL....oo koox markaa laga badiyey goolashii loo cabsiiyey sida SHOROBO oo kale.
3) Waxaan kaloo aan aad iyo aad u xusuustaa mar aan sawir gacmeedyo ka tarjumaayo waxqabadkii Ummadda Soomaaliyeed aanu ku sameeynay Garoon Kubadda Koleyga ee 21 Oktoobar taa oo naga codsaday Xoghayahii Kubadda Koleyga ee waagaasi Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo aanu saaxiibo ahayeen,wxaana farshaxaankaasi igala qeyb galay Farshaxaniinta kala ah Cabdi Gaab,Goobe,Axmed cadde iyo Shaacir,waxaana markii Ciyaaraha lagu furaayey Garoonka yimid madaxda waagaasi wadanka ugu sareysay,waxaana aan ku helnay Amaan iyo Boogaadin.
Ugu dambeyntii Amiin Caamir waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ka codsaday in dagaalka la joojiye,wax kastana lagu dhameeyo wada hadal...la arag in dagaal uusan xal aheyn.
 
Anigoo ah Tafatiraha CiyaarhaSweden Mxamed Mukhtaar Sheikh waxaan hawadda u marinayaa Hambalyo iyo Bogaadin Halyey Amin Caamir dadaalkii uu u soo galay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed,,,waxaana ka codsaneynaa in uu halkiisa ka sii wado...waxaana kaloo ka codsanayaa  Halyay Amiin Caamir in uu  mar kastaba ku muujiso sawir gacmeed kuwa doonaayo in aysan wadankeena nabad ka dhalanin.
                                  
 
 
                                                  DIYAARIYEY MAXAMED MUKHTAAR SHEIKH