VIENNA, Austria–Goohayaha xulka turkey Rustu Recber ayaa halyeeyga xulkaasi xalay noqday markii uu laadkii rigoorada ahaa ee ugu danbeyeay uu ka badbaadiyay Mladen Petric taasoo dalka Turkey u jartay ticket logu aadayo semifinal tartanka European Championship markii ay 3-1 rigoorayaal ah ay kaga adlaadeen xulka Croatia marki xiligii caadiga ahaa iyo waqtigii dheeriga ahaaba ay ciyaartaasi ku so idlaatay 1-1.
Arda Turan, Semih Senturk iyo Hamit Altintop ayaa goalasha xulka Turkey u kala dhaliyay.
Halka Luka Modric iyo Ivan Rakitic ay dalkooda ka qasaariyeen laadadkii loo xilsaaray iney u dhaliyaan Croatia, halka xidiga Darijo Srna uu ahaa xidiga kaliyaha ee goalka rigoorada ah u dhaliyay Croatian .
90 daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay ee looga tala galay waxey ku soo idlaatay goal la.aan, laakiin Ivan Klasnic ayaa hogaanka ciyaarta Croatia u dhiibay daqiiqadii 119-aad. Kaasoo ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka qeybgala European Championship isagoo wata kali uusan laheyn isagoo dhaliyay goalkaasi 22 kadib markii uu ciyaarta badal ku soo galay.
Turkey ayaa goalkaasi si la yaab leh ku soo bareejeeyay markii daqiiqadihii ugu danbeeyay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray ay goalkii bareejada ahaa ka dhaliyeen Croatia kadibna ku quusiyay rigoorayaal iyadoo kulankaani uu ahaa kulankii 14-aad ee la ciyaaro tartanka Euro 2008 European Championship
Turkey , ayaa guushaani waxey u tahay taariikh weyn oo baalka u gashay isagoo soo istaagay markiisii ugu horeysay tartankaan wuxuuna la ciyaari doonaa ciyaarta semifinals ah dalka Germany in Basel maalinta Wednesday.
Turkey ayaa awoodii uu ka soo galay tartankaan wadata markii uu wareegii hore ee tartankaan uu ku soo garaacay Czech Republic isagoo sidaa ku soo gaaray quarterfinals,
Croatia . Ayaa intii aan la isla gaarin heerka rigoorada u muuqtay iney ciyaarta ku adkaatay.markii uu goalka u dhaliyay Semih Sunturk,.
Croatia coach Slaven Bilic iyo ciyaartoydiisa keydka ayaa si weyn garoonka ugu dhex danced gareeyay ka hore intii aysan ciyaarta bilaaban, iyagoo ugu dan laha dabaal dagaasi iyagoo ku aadi lahaa xulka Germans marki labaad tartankaan markii ay ku soo tumeen 2-1 in group play.
HISTORY
Turkey ayaa safarkii ugu horeysay oo ay ku aadeyso taariikhda markii ugu horeysay European Championship semifinals ku gaartay guushii xalay ay Croation ka heshay, 6-sano kadib markii ay sidaan oo kale u soo gaartay World Cup semifinal laakiin waxaa soo reebay Brazil in the semis.
LOOKAHEAD
Caawa ayaa ciyaarta la wada sugaayo waxey tahay Netherlands, oo si awood leh kaga soo baxaday Group C ayaa la ciyaari doonta Group D runner-up Russia in the quarterfinals in Basel, Switzerland.
Laakiin Russians oo ah xul aan la yareysan Karin ayaa ka soo kala badisay
Sweden iyo xulkii koobkaan didfaacanayay ee Greece.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh