WASHINGTON SOMALI STARS:

July 1985 Santoor(Tababare), Koombe, Abukar Shaash, Warfaa,
Somaliyow, Taabo, Libaan, Caato, Jeega Xiir , Nuure, Aaxow
Faysal, Xaaji iyo Labaatan

Sannadkan 2009 oo loo dabaaldagayo sannad guuradii 20 tanaad ee Cayaaraha SOMALI WEEK Toronto Canada, ayaa waxaa xusid muddan kooxda Washington Somali Stars oo aheed kooxdii ugu horaysay eek ku guulaysatay koobkii SOMALI WEEK TORONTO ee 1989. Tan iyo 1989 kiina kooxda Washington Somali Stars si joogto ah ayeey qayb libaax uga qaadanaysay welina qaadataa tartanka Toronto halkasoo guulo tiro badan eey ka soo hooyisay.

Washington Somali Stars 2009:
Tababarayaal: Jaamac Xirsi iyo Sharmaarke Axmed
Cayaartooy:
Shiine Cabdi (Somali National team), Ismaaciil (Somali National Team)
Sadak Abuukar, Maxamed Abuukar, Siciid Xassan, Abshir Xassan, Siciid ladane, Maxamed Gaab, Yoonis, Caydruus, Bakar, Siciid Cabdi, Cabdifataax, Nabiil, Yaasiin, Speed, Abdiqani Abdullahi, Samatar Kaahin, Mohamed Atlanta,Ali Goali, Mezray est.


Washington Somali Stars 1983-2009:

Washington Somali Stars waxay soo shaacbaxday bishii July 1983 waana kooxdii Somaliyeed ee kubadda cagta ugu horeeysay ee Waqooyiga Ameerika laga dhiso. Ciyaartooydii ugu horaysay ee hirgalisay kooxda Washington waxaa ka mid ahaa: Abuukar Shaash, Cabdulahi Somaliyow, Xaaji, Saadaq, Nuure, Faisal, Jamaal, Marshaale, Khalif Riike, Cabdi Bile,Siciid Nur, Bileey, Mohamed Geedi, Shire, Xarbi, Saantoos, Labaatan, Warfaa, Shire, Aaxoow,Cabaas, Taabo, Nuuradiin, Axmed Dhegawayne, Ibraahimow, Daa’uud , Caatoiyo ciyaartooy kaloo faro badan.

Sagaashaneeyadii iyo wixii ka dambeeyana, waxaa ku soo biirey dhalinyaro badan oo eey ka mid yihiin Cabdulqadir Caraale, Muhktaar Macoow, Axmed Salaan, Cabdiqani, Ciise,Hiirad,Mustaf Siraaji, Diino,Cali dhuux, Caydaruus, Saalim, Xassan Mire, Sharmaarke, Jaamac iyo kuwa la mida ah.

Sidoo kale dumar badan ayaa Kooxda Washington Stars soo jiritaankeedii hiil iyo hooba u hibeeyey. Saynab Shaash iyo Nura Cabdi Buraleh ayaa lagu tilmaama iney yihiin hooyooyinkii kooxda waayo had iyo jeer waxay soo ta’kuleen jireen kooxda ilaa iyo markii la beerey. Sidoo kale waxaa taageero badan siiyey kooxda, Nasra Xusein, Leymoon Sabriye, Rooda Xassan , Raxmo, Caasha Salaan, Naciima Darafeey, Hinda Caarif, Hinda Buraleh, Foos Axmed(Toronto) Canab Axmed( Toronto) iyo eedo Asli (Toronto).

Boston ayaa iyana koox kubadda cagta ka dhisantay 1985 kii oo la tartami jirtay Washington. Hase yeeshee Washingon Somali Stars inta badan waxay ka qayb gali jirtay Washington Metro International Tournament oo jaaliyadaha ajanibiga ah ee degan Washington DC ku baratami jireen. Kooxda Washington Stars laba sanno oo xiriir ah ayeey final kii timid (1987 & 1988).

Kooxda Somali Washington Stars waxay soo halgamaysay in ka badan 26 sannadood, welina sanad walbna sii xoogaysansa. Waxaa intaas u dheer sumcad wanaag iyo xushmad eey qeerkeed ku dhaaftay. Ka dib markii udbaha loo aasay, Kooxdu waxay soo martay marxalado aad u kala duwan isla markaana samaynayey horumar walaw uu horumarkaasi kala xawli badnaa hadba heerka iyo marxaladaha la soo marayey dhawr iyo labaatankii sannaddood ee la soo dhaafay. Asbaabaha ugu waawayn ee Kooxdo mudaadaas dheer ee 21 ka sanaddood u soo kifaaxdeyna waxaa ka mid ah :
Dustuur Caalami ah oo kooxda lagu maamulo. Ciyaartooy kastoo ku soo biira kooxdana laga doonayo inuu akhriyaa, fahmaa, sixiixaa kuna dhaqmaa qawaaniinta dustuurka ku qoran. Dhalinyaradoo lagu baraarujiyo manafacaadka ciyaaraha bulshada u leeyihiin.

Washington Somali Stars oo nasiib wanaag u heshay hogaan eey ka midyihiin ciyaartooy horey Somalia uga soo ciyaartay oo khibrad iyo waayo arragnimo ku haga kooxda. Laacibiintaas oo muruqooda, maalkooda iyo maankoodaba u hibeeyey kooxda waxaa ka mid ah Khaliif Riiko ( Dekedaha Xamar), Abuukar Shaash, Faisal Maxamed(Waggad), Cabdulahi Somaliyow( Dekeddaha, Kismayo), Saadaq(Gaadiidka) Cabulqadir Caraale ( ciyaaraha fudud, Horseed) etc.

Dhalinyaradaas oo qaarkood xulka kubadda cagta ee Somaliya u soo saftay, runtiina mar walbana ku jirto qiiro Soomaalinimo isla markaana talo iyo tusaaleba la garab taagan cayaaraha Soomaaliyeed meel kastaba ha ku sugnaadaanee. Waxay muujiyaan xil dheeraad ah iyo xusul duub ay wadaan laacibiintaas kor ku xusani, iyo hamuun u qab horumarka cayaaraha Soomaaliyeed. Dadaalkaasi inkastoo uu soo taxnaa oo welina halkaas eey ka sii miisayaan dadaal joogta ah iyo dhabar adayg, misna tirada dhalinyaradaas oo aan badnayn ayaa ku guulaytay in eey mudadaas rubuc qarniga ka baddan soo wadeen kooxda Washington Somali Stars.

Gudoomiye
Siciid Maxamuud Xaaji Nuur
Washington Somali Stars
Tel: 703-919-1658

WashingtinStars@Comcast.net