
Cayaarihii Columbus Day ayaa Axadii (10/11/2009) lagu soo afjaray magaalada Washington DC, USA. Cayaarahaas waxaa sponsoray CAFÉ NEMA oo ku taala Washington DC.Halkana waxaan uga mahad celinayana Mr. Xarbi Ducaale oo ah maamulaha CAFÉ NEMA. Cayaarahaas oo ey ku looltameen odayaasha Toronto iyo odaayyaasha Washington ayaa waxey guushii raacday odayaasha reer Toronto, kadib markii ey hal gool ku badiyeen is aragii labaad. Goolkaasna waxaa shabaqa ku hubsaday Cabdi Bishaaro oo asalkiiso yahay reer Washington DC. Hadaba odayaahsii reer Washington waxey leeyihiin Toronto nagama badiseen hadii uusan Cabdi Bishaaro oo reer Washington ah u dhalin goolkii guusha!!!!! Hadaan si kale u niraahno, reer Washington waxey leeyihiin “Geedbaa hadloo yiri " Godinay, imaad goyseen, haddaan gabalkay kugu daabnayn “ kugu jirin”.
Balse, Mr. Xarbi oo hoggaaminayay kooxda Toronto ayaan dhawaan ka filaynaa in uu war bixin ka soo saaro siday wax u dhaceen


Dhanka kalena waxaa iyana ku baratamay dhalinyarada reer Toronto iyo kuwa reer Washington halkaasoo labada kooxba ey soo bandhigeen cayaaro aad iyo aad u qurux badan oo ey dad weynihii ka soo qayb galayna aad ugu riyaaqeen. Dhalinyaradaas oo da’doodu aheed 14 ilaa iyo 24 jiro ayaa muujiyey cayaaro xamaasad iyo xeeso leh. Inkastoo dhalinta Toronto ey aad iyo aad u wanaagsanaayeen hadana guushii waxey raacday dhalinta reer Washington DC oo labadii is aragba ku guulaystay muran la’aan.Waxaa hadaba xusid mudan in la sheego oo la barto cayaartooda guusha u soo hooyiyay Washington Somali Stars kuwaasoo kala ah:
Goolkeeper: Heber
Defence: Saadak, Mohamed, Siciid (Captain), Sahal, Ismaaciil (ISH),
Mid-field: Naasir, Yoonis, Abshir, Ahmed, Bakar, Mohamed Nuuradiin
Forewords: Nabiil, Cabdiriaaq Yare, Mohamed Reston, Liibaan Cabdi
Dadweynaihii daawaday cayaarahaas waxey aad iyo aad u amaaneen Ismaacil Ish (defence) iyo Cabdirisaaq (10) oo weerarka ka cayaarayay. Labadaas cayaartooy oo kooxda dhowaan ku soo biiray ayaa muujiyay fudeed (speed) iyo xirfad aad u heer sareeya. Waxaa kaloo la amaanay Goolkeeper-ka Washington Stars (HEBER) oo dhawr jeer badbaadiyay kooxdiisa
.Jimce 10/09/2009
Cabdiqani Hiirad iyo xaaskiisa Rooda Xassan oo casho sharaf ku soo dhoweeyay wafdigii reer Toronto.
Sabti 10,10,2009
Odayaash Toronto 3
Odayaahsa Washington DC 3
Dhalinta Toronto 0
Dhalinta Washington 4
Axad 10, 11, 2009-10-13
Odayaash Toronto 1
Odayaahsa Washington DC 0
Dhalinta Toronto 2
Dhalinta Washington 3
Cayaartoogii uga wanaagsanaa (MPV) odayaasha: Cabdisamad Sheekh Qaasim (Toronto)
Cayaartoogii uga wanaagsanaa (MPV) Dhalinyarada: Cabdirasaaq Yare (10)
Columbus Day Tournament Washington DC October 10&11, 2009 Sponsored By:
Cafe Nema –Somali Cuisine
Manager: Harbi Du’aleh
Address: 1334 U Street
Washington, DC 20009
Telephone: 202-667-3215
“Diverse Cool Vibes” - "Kadidia", Washington
Open/Close: MON-THU 11:30 am-11:00 pm
FRI-SAT 11:30 am-2:30 am
SUN 11:30 am-11:00 pm
Categories: American, BarMeals Served:
Lunch. Dinner.
Cost: Inexpensive
Dress Code: Casual
Other Info: Take Out. Full Bar on Site. No Smoking
By Abdullahi Soomaaliyow
Washington DC