.

              Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji yabarow (Wiish) ayaa hambalyo u diray sadex masuul oo xubno ka ah guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dhawaan xubno ka noqday guddiyada fulinta hey�ado isboorti oo caalami ah.

War saxaafadeed uu maanta soo saaray ayaa guddoomiye Wiish waxaa uu ku sheegay in wax lagu farxo oo taariikhi ah ay tahay in iyadoo Soomaaliya ay marxalad aad u adag ku jirto masuuliyiin Isboorti oo Soomaaliyeed ay ka dhex muuqdaan guddiyada fulinta ee ANOC Zone 5 oo uu Soomaaliya ugu jiro guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Axmed faarax, guddiga fulinta ee xiriirka kubada koleyga dalalka carabta oo uu Soomaaliya ku matalayo Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga Injineer Baana Cabdalla Cali iyo guddiga fulinta ee xiriirka doomaha carabta oo uu Soomaaliya isna ku matalayo guddoomiyaha xiriirka Doomaha Soomaaliyeed Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd.

 

Dhamaan talaabooyinkan xaga horumarka isboortiga Soomaaliyeed loo qaaday ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan iyadoo kadib doorashadii GOS ee bishii Maarso ka dhacday Jabuuti uu guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) balan qaaday in uu ku dadaali doono sidii Soomaaliya xubno badan uga heli lahady hey�adaha isboorti ee caalamka.

 

�Aduunyada intii la abuurto dad ayaa ugu fiican siyaasadd guddiga Olombikada Soomaaliyeedna waxaa ka mid ah in la abuuro dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax gal ah si caalamka wax loola qeybsado taasna waa ka dhabeyneynaa oo waxaa ay ka mid ahayd balan qaadkii aanu Soomaali u sameynay markii masuuliyada nalaku aaminay�ayuu guddoomiye wiish ku yiri war saxaafadeekiisii uu maanta soo saaray.

 

�Howsha wali fari kama qodna waana naga go�antahay in aan soo saarno ma daalayaal kaadiriyiin isboorti ah, waxayna ila tahay shacabka Soomaaliyeed in aanay ka qarsoonayn in maanta aan fulinay qeybtii ugu horeysay balan qaadkii aan sameynay shir weynihii 5-aad ee doorasahda kaddib�ayuu guddoomiyuhu mar kale ku yiri war saxaafadeedkiisa.

 

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda inta la ogyahay ee muddo bil ka yar gudeheed guulahan oo kale ay usoo hoydaan bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana tani ay tahay talaabo dhiirri gelineysa qeybaha ku howlan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ku kala sugan.

 

Guddoomiyaha GOS Mudane Wiish iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawanahanba socdaalo ku marayay qaarada Yurub ayaa tagay xarunta Olombikada Aduunka ee magaalada Lausanne waxaana ay kulamo la qaaten dhamaan hey�adaha isboorti ee magaaladaas dagan oo uu guddoomiyuhu kala hadlay sidii Soomaaliya ay dib ugusoo ceshan lahayd xubnihii ay ku lahayd hey�adaha isboorti ee caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo kuwa gobaleed intaba, waxaana durbaba muuqata in kulamadasi ay mira dhal noqdeen.

 KA SOO XIGANAY..

Somali NOC Media Department

Website: www.nocsom.org