
Wasiirka Isboortiga Mudane Saleebaan Colaad Rooble
Sweden 23.02.2009. Bahda Isboortiga Soomaalida oo hambalyo u direysa ''Wasiirka cusub ee Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Xildhibaan Salebaan Colaad Rooble''.
Anagoo ah bahda Isboortiga jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden waxaan hambalyo kal iyo laab ah u direynaa Wasiirka cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga dowlada midnimo Qaran ee dalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Salebaan Colaad Rooble.
Waxaan Wasiirka cusub u rajaynaynaa inuu Allah( Eebe)la garab galo xilka Qaran ee loo dhaariyay isla markaana uu ka soo dhalaalo gudashada waajibkaada Qaran insha Allah.
Jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed Sweden waxay ku balan qaadayaan in ay gacan ka siiyaan wax alle iyo wixii aad uga baahato oo awoodooda ah si sharaftii Isboortiga dalkeena iyo maamulkii Isboortiga gacanta Dowlada loogu soo celin lahaa.
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed mudane Wasiir waxay kaa filanaysaa inaad isbadal cusub ku samayn doonto qaabka loo maamulo Isboortiga dalka maanta iyo inaad xiriir wanaagsan oo horseedi kara in dadkii aqoonta isboorti iyo mida maamul lahaa aad isku soo xirto gudaha iyo dibadaba, si Wasaarada Isboortiga u noqoto mid shaqaysa oo hormuud ka noqota soo celintii nidaamkii sharciga iyo sharaftii Isboortiga dalkeena Soomaaliya iyo mustaqbalkii dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaa hambalyadaan si wadajir ah u diraya mudanayaasha kala ah
1) Axmed Sheal(Aabaha ispoortiga)
2) Maxamed Macallin (Gudoomiyaha Diyaasbarada)
3) Axmed Nuur (Seyga Ruushka)
4) Bashiir Jeenyo
5) Maxamed Mukhtaar Sheikh
6) ibraahim Galbeyte
7)Maxamed Muuse (Gudoomiyaha Diyaasbarada Sweden)
8)Xamdi Sheikh Axmed(gudoomiyaha Cayaaraha Xagaaga)
9)Abuukar Deeqow Boos Caato
10) A/Qani Caalin
11) Xasan Geela
12) Miski Cumar Cusmaan
13) Yoonis Galbeyte
14) Islow (Gudoomiyaha Kooxda Nabadda)
15) Cilmi (Horseed)
16) Yaasiin Diinow(Horseed)
17) Imad ( Gudoomiyaha Finland)
18) Maxamed Shukre ( Gudoomiyaha Denmark)
19) Daamey (kooxda Banaadir)
20) Esoomarey
21) C/Laahi Tarabi (Xoghayaha Guud ee GOS)
22) Ciid Arsinal (Cayaartoydii Hore ee Gaadiidka)
23) Supper Khaalid Fanaanka weyn ee Reer Sweden
24) C/laahi Ereg (Xaaji)
25) Abuukar Cabdulle Dhabarey
26) Axmed Xasan (Agaasimaha Ururka SSUF)
27) Xuseen Deeq (Horseed)
28) Cabdi Hunguufo (cayaartoydii hore K/Kolayga)
29) Cabdi Axmed
30) Xaaji Faarax (odayaasha Sweden)
31) C/qaadir Dheere (Odayaasha Beledka)
32) Raage Meryaa (K/Kolayga)
33) Cabdi Xaaji (Akookow)(Cayaaryahankii Qaranka Kubadda Miiska)
34) Jeeri (Odayaasha Beledka)
35) C/kariin Abaaba
36) Abuukar Gooryaan
37) C/qaadir Galbeyte (Odayaasha)
38) Axmed Xirsi (Luude)
39) Warsame Oday(odayaasha Beledka)
40) Orso (Cayaartoydii Hore ee Muqdisho)
41) Guduudow (Tensta)
42) Cabdi Mahad (Odayaasha Beledka)
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh