Xulka k/c Somalia oo Diyaar Garow Xoogan U Galaya Cayaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika...
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo taranka CECAFA Senior Challenge cup oo dabayaaqada bishan ka bilaaban doona dalka Uganda.
Cayaartoyda Soomaaliya oo sanadkan aad moodo in ay si weyn usoo diyaar garoobeen ayaa waxaa ay sadexdii bilood ee ugu dambeysay tababar ku qaadanayeen dalka Jabuuti maadaama magaalada Muqdisho garoomadii ay ku tababar qaadan lahaayeen midkood ay ciidamo dagan yihiin halka midka kalana uu dhisme ku soconayo.
Xulka qaranka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ku dhawaad 10 cayaaryahan oo dibadaha laga keenay ayaa waxaa ay 1-da bisha Janaayo ee inasoo aadan cayaarta ugu horeysa la yeelan doonaan dalka Zanzibar.
Sandkan diyaar garow weyn ayaanu galnay waxaana qabnaa kalsooni ah in aan guul gaarno"ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Axmed Nuur Cabdulle oo wafdiga Soomaaliya hogaamin doona haatana ku sugan dalka Jabuuti.
Cayaaruhu waxaa ay socon doonaan 31-December-13 January 2009 waxaana Soomaaliya ay group kula jirtaa dalalka kala ah: ZANSIBAR, TANZANIA, UGANDA IYO RWANDA.
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta Cabdi Qani Siciid Carab iyo Yaxye Abuukar oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaalayeed ee kubada cagta ayaa cayaartoyda Soomaaliya ku hayay dalka Jabuuti sadexdii bilood ee lasoo dhaafay,waana markii ugu horeysay ee xulka qaranku ay tababar muddo intaa la eg ku qaataan dalka dibadiisa.
Dalka Soomaaliya waxaa uu dowlad laʼaan ahaa muddo ku dhow 20 sanadood oo ay bur bursanaayeen dhamaanba adeegyadii guud ee dalka laakin mudadaas waxaa dhisnaa isboortiga Soomaaliya iyadoo guddiga olobimadka Soomaaliyeed iyo xiriiradiisu ay ku guuleysteen in ay calanka Soomaaliya ka dhex babiyaan kulamada isboorti ee caalamiga ah
Sikastaba ha haatee xulalka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ay cayaar saaxiibtinimo ku yeesheen magaalada Jabuuti waxaana cayaartaas oo ahayd mid aad u xiisa badan ay kusoo dhamaatay daqiiqadihii loogu tala galay 3-2 oo ay guushu ku raacday xulka qqaranka Soomaaliyeed.
Daawashada cayaarta waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya ee kala ah ku xigeenka guddoomiyaha ahna madaxa wafdiga Soomaaliya Axmed Nuur Xasn Cabdulle iyo xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdi Qani Saciid carab.
Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay Soomaaliya halka lahayd hase ahaatee markii qeybtii dameb la isusoo laabtay ayaa labada xulba ay lasoo bexeen dar dar xoogan waxaase ay ugu dambeyntii cayaartu kusoo idlaatay 3-2 oo ay xulka qaranka Soomaaliyeed ku badiyeen.
Sadexda gool waxaa xulka Soomaaliya u kala dhaliyay cayaaryahanada kala ah Ciise Midnimo, Cali baashi iyo Ismaaciil Yuusuf oo dhamaantoodba ka tirsan cayaaryahadanii laga keenay dibadaha oo ay sanadahan dambeba ku maqnaayeen.
Qaar ka mida dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jabuuti oo cayaartaas daawanayay ayaa sheegay in xulka Soomaaliya uu ka muuqday diyaar garow aad u xoog badan oo ay u galeen ka qeyb galka cayaaraha qaramada ee dalalka bariga iyo bartamaha Africa oo dhamaadka sanadkan dalka Uganda ka bilaaban doona.
C/laahi Xasan Baliil.
Baliilkhan10@Hotmail.Com
Xafiiska WarQabadka CayaarahaSwedan.Com
Muqdisho=Somalia
 

 

.

 

 

 


C/laahi Xasan Sulaymaan{Baliil}
Baliilkhan10@Hotmail.Com
Cayaaraha Swedan.Com.
Muqdisho-Somalia