Seminar Kor Loogu Qaadayay Aqoonta Garsoorayaasha Kubadda Cagta Oo Lagu soo Gabagabeeyay Muqdishu
Seminaar Soconaayay Muddo Sedex maalmood ah ayna ka qeyb galeen 27 ka tirsan garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliya ee heerka koobaad ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay Hotelka Jeddah ee magaalada Muqdisho.


Seminaarkaan oo ay ka qeybgaleen Garsoorayaasha Heer Caalami iyo Heer Qaran ayaa waxaa uu si rasmi ah halkaasi uga furmay maalintii talaadada ee la soo dhaafay waxaana ujeedada loo qabtay ay ahayd in kor loogu qaado Aqoonta Garsoorayaasha kubada Cagta ee dalkeena Soomaaliya .
Seminaarkaasi oo Dib loogu eegaayay sharciyadda Garsoorka ayaa waxaa ka qeyb qaatay 27 garsoore iyadoo ay Casharo ka bixinaayeen macalimiin ku takhasusay sharciga kubadda Cagta horayna u ahaan jiray Garsoorayaal caalimi ah ee dalkeena soomaaliya,waxaana ay kala yihiin: Xasan maxamed maxamuud {xasan farey}Aweys Axmed jimcaale iyo Xasan shaylilah Cadde.
Sikastaba ha haatee Gabagabadii Xeritaanka Seminar-kan mudada 3-da cisho socday ayaa waxaa ka hadlay mas`uuliyiinta XSKC iyo GOS Gudoomiyaha XSKC Saciid Maxamuud Nuur (Mugaanbe) , Guddoomiye ku xigeenka 1-aad G.OS. Aadan X. Yabaroow (Wiish),Guddoomiye ku xigeenka G.O.S arimaha Xiriirada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame waxayna dhamaantood ku nuuxnuuxsadeen sida looga baahan yahay garsoorayaasha Soomaaliyeed ee K/Cagta in mar walba ay la socdaan sharciyada heerka caalami ee mar walba dunida lagu soo kordhiyo iyagoo sidoo kale garsoorayaasha Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo aan ka seexan mehradooda dhinaca garsoorenimada .
Inataa kadib ayaa isna waxaa halkaasi ka hadlay una mahad celiyay talaabooyinka uu ku dhaqaaqay Xiriirka soomaaliyeed ee Kubada Cagta Gudoomiya kuxigeenka Goss {Aadan Xaaji Yabarow Wiish} isagoona mahad gaar ah u siiyay Raga hormuudka ka ah xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta,iaydoo kadibna uu ku simaha GOS Mudane Wiish soo gabagabeeyay seminarkii sedxda maalmood soconayay.
Masuuliyiintii kale ee khudbadaha ka jeediyay munaasabadii xiritaanka waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka GOS ee arrimaha xiriirada xaaji Cabdi Cilmi warsame iyo Yuusuf Gacal oo xubin ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta
Waxaa Xafladda gunaanadka ka soo qeybgalay mas`uuliyiin kala duwan oo dhinaca xiriirada hoos yimaada G.O.S sida Prof: Caddoow, Ibraahim Roombo,Xaaji Colow,Eenow iyo khabiiro dhinaca garsoorka kubadda cagta waxayna ku soo idlaatay jawi sareeya.
C/laahi Xasan Sulaymaan{Baliil}
Baliilkhan10@Hotmail.Com
Cayaaraha Swedan.Com.
Muqdisho-Somalia