Waxaa si rasmi ah uga furmay dalka Uganda tartankii kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Africa "CECAFA Senior Cup". Ciyaartii furitaanka ayaa waxaa foodda is daray dalka xulka Jabuti iyo Zambia. Ciyaartan ayaa waxaa aad looga gacan sareeyay Jabuti iyadoo qeybtii hore ee ciyaartaba 3-0 beerka loo geliyay. Qebtii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaartooydii Jabuti xogaa isa soo yara canaanteen inkastoo natiijada ciyaarta aaney waxba iska beddelin. Gabagabadii ciyaarta ayaa xulka Zambia ay 3-0 ay guusha ku raacday.
Ciyaartii xigtay waxaa wada yeeshay xulka Kenya iyo Sudan oo ayagu heesta koobkan loo baratamayo. Inkastoo ay labadan kooxoodba soo bandhigeen cayaar ku dheehan farsamo aad u sareysa, haddana waxay isla dhaafi wayeen 0-0
Groupkan ayaa waxaa 3 dhibcood ku hogaamineysa Zambia iyadoo Kenya iyo Sudan ay min hal dhibic leeyihiin. Halka Jabuti ay iyadana 0 taagan tahay.
Ciyaartii Soomaalida ay wada sugayeen ayaa waxa ay dhex martay xulka Soomaaliya iyo Zansibar. Taageereyaasha kooxda Soomaalidiya ayaa iyagu rajo weyn ka qabay in kooxdooda ay guul soo hooyi doonto nasiib darrose arrinta sidii la filayey ma noqon. Ciyaartan ayaa kooxda Soomaaliya ay dar dar weyn la so galeen garoonka hase yeshee fursadihii ay heleen wey iska wada lumiyeen haba uga si darnaato mar uu Ciise Midnimo uu kubadda la hortagay goolhayaha haddana uu shabaqa kubadda ku husbsan kari waayey. Si kasta arrinta ha ahtee Zasibar ayaa qeybii hore ee ciyaarta dhalisay gool lama filaan ah. Qeybti hore ee ciyaartana waxay ku dhamaatay 1-0. Haddan dhamaadkii qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Zansibar goolkii labaad dhalisay sidaana Soomaaliya 2-0 loogu qubeeyay
ka soo xigtayMohamed Busuri