Xulka soomalia oo ku badiyay 1-0 kana badiyay Xulka Tansania
daqiiqadii 13-aadee ciyaarta ayaa captain xulka somalia Cise Aadan Abshir kubad uu si xirfadeysan ugula dhex baxay daqiiqadii Daqiiqadii13-aadee ciyaarta ayaa captain xulka somalia Cise Aadan Abshir kubad uu si xirfadeysan ugula dhex baxay difaaca xulka Tansania uu shabaq ka lulay taasoo mar quraha isla qurxday garoonka oo ay ku sugnaayeen kumanaan taageerayaal ah oo daawanayay ciyaarta.
qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay goal iyo waxba oo ay somalia ciyaata ku hogaamineysay, markii dib la iskugu soo laabtay ayaa ciyaartoyda somalida ah waxey isku dayeen wax waliba oo ay ku difaaci kareen gaolka ay dhashadeen markii ay xoojiyeen dhexda iyo difaaca.
goolhaye Khalid cali oo ayaa ahaa geesiga ciyaarta markii uu difaacay fursado badan oo gaolal ahaa oo uu u babacdhigay, isagoo noqday MAN OF THE MATCH, markii uu soo bandhigay wacdaro la yaab leh oo aan laga fileyn marna.taasoo u horseeday goosha ay ka heleen somalia xulka Tansania oo ka mid ah xulalka ugu awooda badan bariga iyo bartamaha.xulka somalia ayaa ku ciyaaay aab ka duwan qaabkii hore markii ay ku soo galeen garoonka 4-4-2, iyagoo isa badal ku sameeyay naqshadii hore ee ay ku ciyaareen kulankii 2-0 ay ugu adkaatay zanzibar taasoo u horseeday iney guushaan helaan.
guushaan ay gaareen xulka somalia ayaa waxaa si weyn ugu farxay somalida meel kastoo ay ka joogaan aduunka , iyadoo ay garoonak galabtay soo buuxiyeen madaxdii kala duwaneyd ee sporst iyo dowalad oo ka soo qeybgalay ciyaartii galabtay si ay dhiiri galin u siiyaan dalkooda waxaana ku jiray xubno meel dhaadheer ugu soo safray ciyaarahaan.
ciyaarta soo socta ayaa xulka somalia wuxuu ciyaari doonaa maalinta isniinta ah iyagoo isla garoonkii maantay kula ciyaari doona xulka Rwanda oo guuldaro qaba markii Uganda ay 4-0 kaga adkaatay.
Group A haatan waxaa hogaanka u haya xulalka Uganda iyo Zanzibar oo min 4 dhibcood leh halka somalia ay 3 dhibcood ka leedahay Rwanda ay tahay wax la,aan
waxaa diyaariyay maxamed mukhtaar