Ururka Benadir IF ( Stockholm) oo u dabaaldagay sanadguuradii 14aad

Xoghayaha ururka Banaadir ibrahim Galbeyte oo Xafladii sanadguurada furay
Taariiqdu marka ay ahayd 6 febraayo 2010 waxaa ka dhacay magaalada Stockholm wadanka Sweden xaflad si heer sare loo soo agaasimay, xafladaan ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu soo bandhigo waxqabadka ururka mudadii uu dhisnaa islamarkaana loogu mahad celiyo cayaartooydii, taageerayaashii iyo hayádahii garab tagnaa 14kii sano uu dhisnaa ururka.






Xafladaan oo ka dhacday lokaal aad u qurxoon oo lagu magacaabo Spĺngafolkan ayaa ku yaal meel aan sidaa uga fogeyn xaafadaha Soomaalida ku badan tahay magaaladaan Stockholm, xafladaan ayaa lagu casumay ururada firfircoon ee ka dhisan Stockholm bahda isbortiga, siyaasiyiin u sharaxan doorashada gobolka Stockholm iyo xubnaha gudiga olombikada Soomaaliyeed ee Stockholm.




Xafladaan oo ku bilaabatay jawi dagan ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa xoghayaha ururka Benadir IF Ibrahim Galbeyte, soo dhoweyn iyo mahadcelin ka dib waxaa uu kusoo dhaweeyey gudoomiyaha ururka Benadir IF mudane Cabdiqani Calim oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururka, Mudane Cabdiqani waxa uu ku dheeraaday taariiqdii ururka laga soo bilaabo 1996 ilaa 2010 marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo waxqabadka ururka, iyadoo lagu soo bandhigay hab casri ah oo ahaa video iyo sawiro.






Ururka Benadir ayaa soo bandhigay cajalad video iyo sawiro ay ka muuqdaan cayaartooydii ugu horeysay ee lagu bilaabo kooxda kubadda cagta sanadka markuu ahaa 1996, cayaartooydaas oo intooda badan joogtay ayaa u ahayd markii ugu horeysay arkaan taariiqdooda kaydka u ahayd gudiga Benadir IF, Abdulkadir Damey oo ahaa gudoomiyahii ugu horeeyey ururka Benadir haatan ah qasnajiga ururka ayaa lahaa fikrada ah in keyd ama arkiv yeesho ururka.











Waxqabadka ay ururka Benadir soo bandhigeen ayaa ka mid ahaa waxqabadkooda gudaha Sweden iyo wadanka Soomaaliya, waxa ay soo koobeyn waxqabadkooda waxayna goobta ka sheegeyn in ay ugu talagaleyn sanadka 2011 oo noqon doono 15guurada ururka ay kusoo bandhigi doonaan waxqabadka oo dhameystiran hadii alla idmo.


Martidii xafladaan ka hadashay oo halkaan lagu soo koobi Karin ayaa waxaa ka mid ahaa, Kerstin Gustavsson oo ah siyaasi xisbiga moderate oo mar walba garab istaagta arrimaha isbortiga iyo arrimaha bulshada, Fozi Siid oo ah siyaasi hada u sharaxan gobolka Stockholm kana tirsan xisbiga xisbiga moderate ahna nin dhalinyaro mar walba waxtar la taaban karo ka geysta arrimaha bulshada, xubnaha guddiga olombikada Soomaaliyeed ee jooga Sweden Maxamed Muse, Yonis Galbeyte iyo Feysal Makaraan gudoomiyaha ururka SEUKI mudane Xirey Roble oo qudbad dheer oo dadweynaha

meesha joogay u riyaaqeen ka jeediyey isagoo hambalyo iyo in shaqada meesha laga sii wado ku guubaabiyey ururka Benadir, Gudoomiyaha ururka SKIFmudane Abukar Ato (boss ato) oo ahaa aasaasayaashii ururka Benadir isla markaana ahaa tababarahii ugu horeeyey 1996 ee qaada koobkii African Cup ee ka dhacay Stockholm ayaa isna uga mahad celiyey guddiga Benadir waqtigii ay galiyeen in ururka wali waxqabadkiisa socda iyagoo ugu shaqeeya bulshada bilaash, Ciid arsenal oo ah ahaa kabtankii ugu horeyey kooxda ayaa hadalo gaaban ka jeediyey waxa uu ka hadlay masúuliyada kooxda ka saarneyd sidii uu isugu wadi lahaa waxa uu ka sheegay in markii uu daawaday sawiradii iyo filmkii taariiqda Benadir uu xasuustay waayo waayo isla markaana ka arkay cayaartooy muddo hore isugu dambeysay iyagoo qaarkood wadanka ka guureen, Maxamed Mukhtar Shiikh iyo Xasan Gelle ayaa ka hadlay markii ururka Benadir deeq isugu jirta qalab iyo waxbarasho xagga maamulka u geeyeen GOS sanadkii 2003 iyagoo ka hadlay faaidada ay ka heleen.

Dadkii kasoo qeybgalay uu ku dhawaad ahaa 100 oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa aad ugu maqsuuday waxqabadka ururka Benadir, dadkii kasoo qeybgalay ayaa badankood u ahayd markii ugu horeysay ay arkaan fanaanka weyn ee reer Stockholm super Khalid oo ahaa cayaartooyda laf dhabarka u ahaa kooxda Benadir isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii kooxda, waxaa kaloo la hilmaami Karin in sanadguurada ay la socotay xagga fanka oo fanaaniin reer Stockholm ay goobta ka qaadayeen heeso ay ugu horeysay heesta calanka Soomaaliyeed oo si wadajir ah inta la istaagay loo wada qaaday dhamaan dadweynahii goobta joogay.

Guud ahaan jawiga waxa uu ahaa jawi farxadeed ururka Benadir sanadguuradiisii 14aad waxa ay kusoo beegmatay waqti mugdigii isbortiga ee ka jiray Stockholm uu dhamaaday, iyadoo bahda isbortiga Stockholm oo gacmaha is wada haysta kasoo wada qeybgaleen xaflada.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh iyo Ibraahim Galbeyte