Guddoomiyaha Somali New Generation Sports and Cultural oo Waqti geliyay sidii uu u
horumarin lahaa Kooxo K/Kolayga ah oo ka dhisan Magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha Somali New Generation Sports and Cultural
C/qani C/llaahi Jeenyo oo muddo 2 todobaad ka badan ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
ayaa wuxuu waqti badan geliyay
sidii uu ugu kuurgeli lahaa Xaaladda Isboorti ee Magaalada Muqdisho,
si gaar ahna wuxuu u xushay Kooxaha Kubadda Kolayga.
C/qani oo ay Magaalada Muqdisho ugu dambeysay 20 sano ka hor ayaa markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxaa uu la kulmay
waxyaabo uusan fileyn oo ah in ay weli jirto bah Isboorti oo dhaqdhaqaaq leh bacdamaa uu dalka Soomaaliya si weyn u burburay,
gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Haddaba C/qani oo u ciyaari jiray Kooxdii Kubadda Kolyga Jeenyo ayaa wuxuu maalmahan wadaa dhaqdhaqaaqyo
uu ku horumarinayo Isboortiga Soomaaliya, gaar ahaan Kubada Kolayga, wuxuu tababarro siiyay Kooxaha Kubadda Kolayga Badda iyo Midnimo.
Sidoo kalena wuxuu la kulmay maamulka Kooxda Kubadda Kolayga Dekedda Muqdisho,
kuwaasi oo si weyn u soo dhaweeyay, isla markaana uga warbixiyay xaaladda kooxda Dekedda Muqdisho.
Guddoomiyaha Somali New Generation Sports and Cultural C/qani C/llaahi Jeenyo
waxaa kale oo uu la kulmay Ciyaartoy iyo Macallimiin Naadiyo kala duwan oo
magaalada Muqdisho ka jira, kuwaasi oo ay ka wada hadleen horumarinta Isboortiga.
Ugu dambeyntiina, Somali New Generation Sports and Cultural
C/qani Jeenyo waxaa uu u mahadceliyay Mas’uuliyiinta Guddiga
Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada kala duwan ee hoosyimaada,
kuwaasi oo Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyay.