Abukar Shiino Iyo Safarkiisi Toronto


TORONTO:Abuukar Axmed Maxamed oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan (Abuukar Shiino), oo u cayaari jiray naadigii kubadda kolayga Muqdisho iyo Qarankii Soomaaliyeed.

Abukar wuxuu kaloo macalin u ahaa kooxaha heerka kowaad ee kubadda koleyga somaliya isagoo qeyb weyn oo aan la ilaabi Karin ka geystay horumarinta isboortiga somaliyeed intii uu dalka ku noolaa walina uu tababaro ka wado magaalada Ottawa ee dalka Canada


Abukar wuxuu safar gaaban ku yimid magaalada Toronto shalay oo taariikhdu aheed Feb.21.2009 isagoo magaalada kula kulmay bahweytii kubadda koleyga si qurux badana loogu soo dhaweeyay magaalada Toronto

Abukar Shiino waxaa lagu maamuusay cayaar kubadda koleyga oo halkaas ku dhex martay laba kooxood oo ay kala wateen Abukar Shiino iyo Dhamme


Cayaartaas ka dib waxaa Webka Cayaaraha sweden u suurta gashay in wareysi ay la yeelato Abukar Shiino isagoo ka waramay taariikhdiisa kubadda koleyga oo gaaban iyo dhinacyo badan oo ku saabsan bahweynta kubadda koleyga somaliyeed

Abukar Shiino waa xubin ka tirsan urur weynaha qurba joogta kubadda koleyga somaliyeed SSIFO,wuxuuna Abukar ka cudur daartay fursaddii uusan u helin in uu ka qeyb galo cayaarihii ururka SSIFO soo qaban qaabiyeen sanad hore 2008 laguna qabtay magaalada London ee dalka UK, wuxuuna intaas ku sii daray in goor walba uu ururka garab taagan yahay kulana dardaarmay midnimo Qaran.

Hadaba wareysiga Abukar Shiino oo uu la yeeshay webka Cayaaraha Sweden waxaa Qaaday Sheikha oo wakiil ka ahaa una soo gudbiyay Webkaas

                              Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh