Toronto: Waxaa bishan January.01.2009 lagu qabtay magaalada Toronto kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen dhammaan bahda isboortiga kaasoo looga hadlayay kaalintii wax ku oolka aheed ee isboortiga soomaliyeed u qabteed labadii macalin Omar Mohamed Omar (Anyelo) iyo Ibrahim Jimcale Abdi (Buruko) iyagoo u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray shilal baabuur oo ay ku kala galeen UK iyo Finland bishii December 25keedii 2008.

Dadkii halkaas isugu yimid oo dhammaantood u duceeyay labad marxuum kuna booriyay dhammaan bahweynta isboortiga meel kasta oo ay joogaan in la cafiyo labada marxuum ilahayna looga baryo janatul fardowsa qabrigoodana u nuuriyo,qoysaskoona samir iyo iimaan ka siiyo.



Waxaa kulankaas soo qaban qaabiyay xil gaar ahna iska saaray Farah Oday,Ahmedey B iyo Daud Dheere

Sidoo kale waxaa somaliweek wareysi la yeelatay Macalin Abdi Dheere,Macalin Bruno,Ahmedey B.Daud Dheere iyo Aloow,oo dhammantood ka sheekayay inti ay ka garanayeen labadaas macalin Anyelo iyo Buruko kuna tilmaamay shaqsiyaad aan waligood maskaxda bahweynta isboortiga somaliyeed ka go’i doonin haddii ay noqon laheed waxqabadkoodii iyo shaqsiyadooda sareysay.



Mohyadin Jama
somaliweek@hotmail.com
Toront