Guushi Barca

Kooxda Barcelona ayaa caawa ku guulaysatay koobka UEFA Champions League finalkiisa, waxaayna cashar lama ilaawaan ah oo taariikhi ah u dhigtay Kooxda Manchester United oo difaacanaysay koobkan.
Bilowgii ciyaarta Manchester United waxay lasoo baxday dar dar iyo weeraro aan kala joogsi lahayn waxayna Manchester iska lumisay fursad qaali ah ka dib markii ciyaaryahanka Aduunka Ronaldo uu laad xor ah ku tuuray goolka Barcelona oo 32 Mitir u jiray kaasoo gaal hayo uu badbaadiyey hase yeeshee kubadii ka fakatay, waxaana fursadaasi oo gool u qalantay ka qasaariyey Park Ji-Sung oo lambarka 13-aad u sitay kooxda Manchester United.
10-daqiiqo markay ciyaartu socotay ayaa Barcelona waxay markeedii ugu horeysay ay u ahayd inaay kubad ay isu dhiibaan ay aaqirkii lugta ugaliyaan ciyaaryahan Eto'o kaasoo isagana si xirfadaysay ula dhaafay daafaca birta ah oo caawa noqday mid sida biya doon dhex marayo ula dhaafay isla markaan shabaqa ku hubsaday iyadoo Van Der Saar uu xitaa inuu qabto iska daayee laga galiyey halka uu taagnaa.

Wixii markaa danbeeyey Manchester United goolka Eto'o wuxuu ku noqday mid dhamaantood dilay oo waa ay kasoo kabsan waayeen waxaana ay ka bixi waayeen caro iyo inaay haleeli waayaan inaay kubada si fiican isugu dhiibaan.
Wayne Rooney, Cristiano Ronaldo iyo ciyaartooydii kale ee Manchester United ayaa mar qura shaashada ciyaarta ka muuqan waayey waxaana ciyaarta maamulayey kooxda Barcelona.
Qeybtii danbe ee ciyaarta markii la isugu soo laabtay ayaa Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson wuxuu wax ka badalay qaab ciyaareedka wuxuuna sameeyey waxyaalo aysan ku dhicin ama ku dhiiran karin inaay sameeyaan tababareyaasha kale wuxuu dibada u saaray ciyaaryahanadii dhexda ugu ciyaarayay wuxuuna soo galiyey Carlos Teves iyo Berbatov oo labada ka ciyaara weerarka.

Si kastoo ay ahaataba Ferguson markaan kuma uusan mahdin gool la'aanta ka haysay Shabaqa Barcelona oo laf dhuun gushay uu ku noqday wiilka uu soo barbaariyey ee u ciyaara Barcelona ninka lagu magacaabo Gerard Pique, Sylvinho,Toure Yaya iyo kabtan Carles Puyol oo nafta ag dhigay inaaysan ka gudbin diilinta 18-aad weeraryahanada Manchester United oo dhamaantood goolka hortiisa ku weyraxsanaa.
Paul Scholes xitaa caawa qeybtii danbe ee ciyaarta ayuu badalay Giggs isagoo kabtanimada kala wareegay hase yeeshee wax natiijo ah kuma uusan soo kordhin oo wuxuuba lasoo galay caro iyo dagaal taabashadii ugu horeysay ee kubada wuxuu qaatay calaamada Jaalaha isagoo sameeyey wax anshaxa Kubada cagta ka baxsan uu sameeyey.
Ronaldo, Rooney, Teves, Berbatov iyo Giggs ayaa waxay isku dayeyeen inaay mar uun shabaqa kubada cusjiyaan waxaase xaalku noqday in looga sii daro maadaama ciyaaryahan Xavi uu kubad uu si wanaagsan ula raadiyey Ciyaaryahanka laacibtinimada sannadkaan aan cidna ka xigin ee Messi kaasoo madaxa si xarago leh ugu dhaliyey goolhaye Van Der Saar.
Kooxda Manchester United oo lagu bartay inaay iska soo magaan goolasha lagu leeyahay ayaa markaan u ekeyd mid mar hore is dhiibtay, galinkii danbe ee ciyaartana waxa ay heleen fursado aan sidaasi u badnayd balse daafacyada Barcelona ayaa shafka u dhigayey iyadoo aan la ilaawi karin daafaca da'da yar ee reer Barcelona oo dhawaan ay kasoo iibsadeen Manchester United, Gerard Pique oo wacdaro ka dhigay caawa garoonka Olompic Stadium kaasoo aan dhihi karno wuxuu caawa u qalmay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiicnaa Barcelona kaasoo tilaab ay ka qaadi waayeen si gaar ah Rooney iyo Ronaldo oo markasta ka difaacayey weerarradooda culus isagoo kooxdiisa u sheegay inuu yaqaan tabaha labadaani ciyaartooy.
Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa noqonaya Tababarihii ugu horeeyey oo isagoo aan qaban kooxaha heerka koowaad ee kooxdiisa u qaada sedexda koob ay kooxdiisa u tartamaysay wuxuuna qaaday koobka horyaalka dalka Spain La Liga, kooba Del Rey, iyo koobka Champion's League, waxaanu dhihi karnaa waa tababare ka nasiib badan Mourinho oo da'dka isboortiga ka faalooda ay u yaqaanan nin kasoo dhex baxay mar qura shaashadaha Caalamka.
Tery Henry ciyaaryahanka u safta kooxda Barcelona oo magac ku leh ciyaaraha kubada cagta aduunka iyo dalka France una soo ciyaaray kooxaha waaweyn ee Juventus iyo Arsenal lana soo qeybsaday guulo tiro badan sida Arsenal oo uu la qaaday horyaal iyo dhowr koob oo kale ayaanan waligiis qaadin koobka Championka, caawa ayaa wajigiisa laga dareemayay farxad iyo reyn reyn waana markii ugu horeysay oo uu koobkan gacanta ku dhigo.
Waxaase ka nasiib badan Gerard Pique oo laba sanno oo isku xiga uu qaaday koobkan isagoo sannadkii hore ka mid ahaa kooxda Manchester United, isagoo haatan la qaaday kooxdiisa Barcelona isagoo waliba aad u muujiyey karti dheeraad ah.
Iniesta ciyaaryahanka da'da yar ee quusiyey kooxda Chelsea ciyaartii Semi Finalka ayaa caawa la dhihi karay mid shaqo badan u qabtay kooxda isagoo dhaawac ugu maqnaa mudo badan waliba shalay uun bilaabay tababarka kooxdiisa ayaa keenay goolkii uu dhaliyey Eto'o isagoo si wanaagsan ugu salaxay, ciyaaryahankan ayaa sannadkaan qeyb weyn ka qaatay hanashada koobabka tirada badan.
Loniel Messi oo caawa dhaliyey goolkii labaad kasoo ahaa gool qurux badan ayaa u noqonaya goolkiisa 9-aad uu ka dhaliyey Horyaalka Champion-ka ee sannadkaan.
Si kastaba ha ahaate warbixinteeyda waxay kusoo gabagaboobaysaa kooxda Barcelona oo noqotay Barcelona are the Champions League winners 2008-09.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh