Cayaarihii Xagaaga Heerka 1aad  ee Stockholm Sweden oo Maanta Furmay 2008

 

Waxaa maanta oo jimco  18/7/08 ah ka Furmay Garoonka Weyn ee Kuntby oo ku yaalo Xaafada ay soomaalidu aad u degentahay ee Stockholm sweden Cayaaraha Heerka 1aad oo Sanadkiiba mar la qabto waxaa soo qaban qaabiyo Gudiga Cayaaraha iyo Dhaqanka ee sweden.

Sanadkaan ayaa ka duwanaa Sanadihii hore waa Toban Jirsaday Cayaarahaas Xagaaga ,waxaa si Wadajir ah u soo qabanqaabiyay Tartankaas Labada Urur oo Magac weyn ku leh Stockholm sweden oo kala ah Soomaliska Kultur o idrotts Förening iyo ururka SSUF.

Waxaa ugu Horeyntii halkaas ka hadlay Furitaankii Xoghayaha Cayaaraha Xagaaga Maxamed Muuse (jabsos) ka dib wuxuu ku soo dhaweyay Gudoomiyaha Cayaaraha Xamdi Sheikh Axmed asagoo khudbad aad loo jecleysatay halkaas ka soo jeediyay, wuxuu halkaas ku soo dhaweeyay dhamaan marti sharafta leheed oo ka soo qeyb gashay tartankaas wuxuu amaan iyo bogadin u soo jeediyay baheynta ispoortiga ee ka soo qyb gashay cayaarahaas sidoo kale wuxuu amaan iyo mahadcelin u soo jeediyay Cayaartoyda iyo Madaxda hogaamineyso  oo ka soo qeybgaleen Tartankaas, wuxuu cod baahiyaha ku soo dhaweyay

Khudbadii Xiriiriyaha Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada  Somalioyeed Mr Ahmed Hassan uu Ka jeediyey Barnaamijkii Furitaanka Sport-iga Heerka kowaad ee Xagaaga ee Dalka Sweden

 

Barnaamijka Ciyaaraha ee heer-ka sare ee lagu qabto Sweden, waxaa ka soo qayb galay 12 kooxood oo ka kala socda Waddamada Europé.  Halkaas waxaa khudbad Caalami ah ka jeediyey Xiriiriyaha Ururka Isbahaysiga  Dhalinyarada Somaliyeed ee marka la soo gabaabiyo Afka Swidhishka loo yaqaan SSUF (Somalisk-svenska Ungdomsriksförbund), Mr Ahmed Hassan waxaa u si faahfahsan uga hadlay waxtarka barnaamijkaan Sport-iga xagaaga uu u leeyahay dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool Qaaradan Europé, isgaoo carabka ku dhuftay in barnaamijkaan uu u sahlayo dhalinyarada in ay isbartaan, oo ay walaalahooda kale ee la dáda ah ay bartaan, oo ay isweydaarsadaan fikrado iyo waaya áragnimo kala duwan, maanta qaarada Europé waddamada ku bahoobay waxay sameysanayaan isbahaysi iyaga u gaar ah, sidaas oo kale ayaa loo baahanyahay in dhalinyarada Somaliyeed iyagana ay midoobaan si ay u wajahaan mustaqbalkooda ku aadan hadey noqon lahayd xagga waxbarashada, isdhexgalka ama kula noolaashaha hab wanaagsan dadyoowga kala duwan  aan la noolnahay.

Ahmed waxaa uu carabka ku dhuftay oo kale in iskhilaafka u dhexeeya laba groups ee abaabula Ciyaaraha wakhtiga xagaaga la soo af jaro, oo Somali-da deggan ”Lilla Sverige” Sweden ay midoobaan kana fogaadaan wax khilaaf ah, taas ayay ku jirtaa horumarkeena ayuu yiri.

Waxaa kale oo Ahmed u soo jeediyey sodhoweyn wanaagsan Martida sharfta Somaliyeed ee magaca ku lahayd dhanka Sport-iga Somalia, iyo bahweynta jecel Sport-iga ee ka soo qaybgalay barnaamika Furitaanka Ciyaaraha Xagaaga ee heerka- 1-aad


Ruug Cadaaga weyn oo ah Cayaartoydii hore LLPP Axmed Nuur(seyga Ruushka) oo si fiican u hadlay ka dibna uu ku soo dhaweeyay Xiddigii Hore ee Xulka Qaranka K/Kolayga soomaaliyeed Shiikha oo halkaas ka soo jeediyay hkudbad ee heerka 1aad labada URUR, Ruug Cadaaga Weyn ee ispoortiga A/qaadir (isoomarey) Masuul sare Shaashtiin oo ah Swedhish kana tirsan Madaxda sare ee Xaafada Rinkeby,ka dib waxaa hadlay Gudoomiyihii ugu horeeyay ee Cayaaraha Xagaaga ee Stockholm Xaaji Faarax

Furitaankii Caaraha Waxaa kubadii laaday Xidigii Weynaa ee Qranka Soomaaliyeed Dr: Yuusuf Shaqaaq oo halkaas aad ugu amaanay Wax qabadkii a bahada ispoortiga  ee yurub Gaar ahaan hooyada Cayaaraha yurub qabanqaabiyo Cayaaraha Xagaaga ee sweden.

Furitaankii Cayaaraha Waxaa si joogta ah dadweynaha Bilaaw ilaa Dhamaad u maaweylinaayeen Fanaaniinta waaweyn ee hobalada laga daba dhacay waa XASAN AADAN SAMATAR IYO RAXMO RUUXI oo Halkaas ka qaaday heeso aad loo jecleystay,sanadkaa Cayaaraha waxaa ka soo qeyb galay macallimiintii waaweynaa ee Qaranka soomaaliyeed sida ibraahim suudaane macallin Giftin,dhinaca maamulka ispoortiga A/qaair isoomarey.Xidigii weynaa ee Xulka Qaranka iyo kooxda Dekedaha Khaliif Riikoiyo Xidigada weyn ee Qaranka Basketka Xaawa Sheikh Axmed (Xawa Taako).Fanaanka weyn Cali Cabdulle Guure,Xidiga Weyn A/rashiid Doobka,waxaa ka loo sanadkaan cayaaraha ka soo qeyb galay wakiilka ama masuulka u fadhiyo ururka SSUF Wadanka Denmark Maxamed Shukri oo qeyb wayn ka qaata sanadwaliba Cayaaraha Xagaaga oo ka dhaco Sweden,sanadkaan wuxuu ku soo kordhiyay kooxda Denmark koox K/Kolayga ku cayaareyso magacooda.

Tartanka Cayaartii ugu horeysay waxaa lagu furay labada Kooxood oo kala ah Denmark VS W12 Labada kooxood waxay soo bandhigeen Cayaar aad loo jecleystay oo dadkii ka soo qeyb galay u bogeen Cayaartaas Waxaa ku guuleytay Kooxda hada horyaalka heysata Denmark 3 VS W12 1 ayay ky dhamaatay Cayaartii koowaad tii labaad waxaa wada cayaaray labada kooxood oo kala ah Nabadda VS Götenberg Cayaartaa waxay ku dhamaatay Götenberg 1VS Nabadda 0 Dhamaan Cayaarihii Eaxay ku dhamaadeen Jawi aad u Wanaagsan.

 

 

                                   Waxaa Qoray: Maxamed Mukhtaar Sheikh

          Fadlan nagala soo Xariira Emailka Cayaarahasweden@hotmail.com