|
ALI & CUKAASH OO KU GUULAYSTEY KOOBKA DHALINYARADA ‘’HAROLD WHIDDON UNDER 16 MIDDLESEX CUP FINAL 2009/2010’’

Cali Biriq iyo Cukaash Omar waa wiilal Soomaaliyeed oo mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaarta kubadda cagta waxayna degan yihiin Galbeedka magaalada London islamarkaana ka tirsan yihiin kooxda kubadda cagta dhalinyarada da’doodu ka hooseysa 16-ka sano ee Mill Hill Rangers Club.
Kooxda Mill Hill Rangers under 16 waa kooxda ugu guulaha badan kooxaha ka dheela koobka Harrow Youth League ee magaalada London Galbeedkeeda ka dhisan, waxay ku guulaysteen Lixdii- Sanadood ee la soo dhaafay 4 ( Premier titles) 2( League cups) iyo 2 ( Middlesex Cups), halka ay mar 3xaad ay u soo baxeen ciyaarta Finalka koobka Middlesex Cup

Ciyaar aad u xiisa badnayd oo Final ah ayaa waxaa isugu soo harey labada kooxood ee kale ah Watling Club iyo Mill Hill Rangers, koobka Harold Whiddon Under 16 Cup oo markii 39aad loo qabto kooxaha ka dhisan galbeedka magaalada London iyo nawaaxigeeda, ciyaartan finalka labada naadi isugu soo hareen ayaa waxaa lagu qabtey Garoonka Reynold Field oo ku yaal xaafada Hanwel Town, islamarkaana waxaa garoonka leh kooxda la yiraahdo Hanwell Town FC.
Koobkan ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadwayne aad u badan oo la kale safnaa labada naadi iyo Scouts ka socda kooxaha waawayn ee ka dhisan dalkan si ay uga fiirsadaan ciyaaryahano mustaqbal leh oo ay ku biiriyaan kooxaha waawayn ee ka dhisan magaalada London, ciyaarta waxaa si rasmi ah u furey Mr. George Pantling( Guest of Honour) oo muda dheer gudoomiye ka soo ahaa Middlesex Youth Association, hadane weli ka ah xubin sharafeed islamarkaana maanta loogu marti qaaday inuu ciyaarta finalka furo kadibna koobabka bixiyo, madaama howlihii uu soo qabtey Isboortiga ee wanaagsanaa weli looga haayo abaal aan go’aynin.

Waxaa ciyaarta garsoorayaal ka ahaa Frank Van Der Wens oo u dhashay dalka Holand, halka ay calan wadayaalna ka ahaayeen Dimitrios,Rousis,Niall Gibbons,Kevin Wavellon.
Ciyaartii ayaa waxay ku bilaabatey weerar iyo weerar celin ay isku qaadayeen labada naadi oo midba midka kale uu ku doonayay inay awood ugu sheegtaan islamarkaana koobka gacantoda soo galo, halka aad moodo kooxda Mill Hill Rangers oo ay u dheelaan labo wiil oo Soomaali ah ay ka dhax muuqdeen ciyaarta halka Cukaash Omar uu ka dheelayay dhaxda/ Daafaca iyo Cali Biriq oo weerarka baalaha isna ka weerarayay goalka kooxda kale.

Dadwaynaha garoonka soo buux dhaafiyay ayaa iyana aan ka maqnayn samaynta ay ciyaarta labada kooxood ku lahaayeen, waxaana taageerayaasha daawanayay ciyaarta ka mid ahaa C/qaadir Mohamed Farah ‘’ Jaalle Biriq’’ oo ah aabaha Cali Biriq oo ahaan jirey ciyaartooydii kubada cagta Gobalka Hiiraan iyo Kooxda Betroolka ee dalka Soomaaliya, islamarkaana ahaa taageeraha koowaad Cali iyo Cukaash ayaa isheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu galabta goob joog ka ahaado ciyaartan finalka ah.
Gabagabadii ciyaartana waxay noqotey inay isla dhaafi waayaan labada kooxoodba hal goal iyo hal goal barbaro, waxaana lagu darey ciyaarta 20 daqiiqo oo dheeraad ah kadibna waxna ma aysan kale dhalin ugu dambayntiina waxaa loo dhigay rigoorayaal, taasoo guushii ku raacday kooxda Mill Hill Rangers FC oo keenay 3 Goal halka kooxda Watling Club ay dhalisay hal goal oo qura, waxaana markii 3aad koobka Middlesex Cup ku qaaday kooxda Ali & Cukaash ee Mill Hill Rangers FC.
Kooxda Mill Hill Rangers FC ayaa aad ugu faraxsan wiilasha Soomaaliyeed ee ka mid kooxdooda islamarkaana waxay todobaadkii dhawaad lagu soo qorey joornaalka kooxood warbixino koo kooban oo looga hadlaayo ciyaartooyda kooxdooda madaama ay u soo baxeen finalka koobka, Maxayse ka yiraahdeen Cali iyo Cukaash? :

‘’UKAASH OMAR ALSO IN HIS FIRST SEASON, UKASH CONTROLS THE MIDFIELD WITH HIS STRONG TACKLING AND FINE PASSING’’
‘’ALI Mohamed came to us from Princes Park, Ali is comfortable on either wing and has great pace’’
Waxaa farxad weyn noo ah inaa dhiirigalino islamarkaana ugu hambalyeeno Cali & Cukaash iyo kooxdoodaba guusha koobka Middlesex Cup 2009/2010.


Waxaan ka soo qaadnay sawiro badan oo ku saabsan ciyaarta finalka ay dheelayeen Cali iyo Cukaash oo ah wiilal Soomaaliyeed oo ka ciyaara tartamada kale duwan ee lagu qabto magaalada London islamarkaana waxaan muhiimada saaraynaa inaan wax ka qorno dhalinyarada iyo caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Yurub ee dadaalka ugu jira sidii ay ciyaaraha meel fiican uga gaari lahaayeen, hadaba hadii aad ogtahay wiil ama gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah kooxaha kale duwan fadlan noogu soo dir E-mailka si aan ugu dhirigalino islamarkaana jaraaidka Soomaalida aqristo aan ugu soo saarno si waalidiinta kale tusaale ugu noqdaan, madaama loo baahan yahay in waalidiinta Soomaaliyeed ku mashquulaan caruurtooda mustaqbalkooda, islamarkaana loo helo caruur Soomaaliyeed oo wanaagsan kuna wanaagsan isboortiga iyo waxbarashadaba mustaqbalka.
Waxaa soo diyaariyay: Yusuf Yusuf
Editor of SSPAMEDIA
|