Waxaa magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark kulan isbarasho iyo casho sharaf ah oo aad loosoo agaasimay lagu qabtay Ristorante Vesuvio of Copenhagen. Kulankaa ayaa dhexmaray ururweynaha soomaaliyeed PUNtLAND AID SERVICE oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Jalliyada soomaaliyeed oo dhinac ah iyo bahda isboortiga soomaaliyeed oo dhinac ah. Wafdi bahda isboortiga soomaaliyeed ayaa kala ahaayeen Gudoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Md. Aadan Xaaji Yebarow (Wiish), Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed Abdiqani Siciid Carab, xoghayaha guud ee guddiga GOS Md. C/laahi Axmed Tarabi, Mohamed Shukri xubin golaha dhexe ee gudiga olombikada soomaaliyeed iyo mudane Guuleed Xubin gudiga dhalinyarada ee GOS oo dhinac ah.
Shirkaan ayaa xiriiirtiisa iyo abaabulkiisa iska lahaayeen Mudane: Mohamed Daahir (Mohamed Arab) iyo mohamed Shukri. Kulankaa casho sharafka ah ayaa ku bilaabmay isbariidin iyo isbarasho. Gudiga olombikada soomaaliyeed ayaa warbixin ka bixiyay ujaadada safarkooda iyo dalalkii eey socdaalka kusoo mareen. Mudane: Abdiqani Arab ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay ciyaaraha gobalada soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka PL. Mudane Abdiqani waxaa uu hoosta ka xariiqay dadaalka iyo iskaashiga ka dhaxeeyo gudigooda iyo maamulka PL si kor loogu qaado tayada isboortiga. Mudane Abdiqani wuxuu sheegay in la bilaabay mashaaric garsoorayaal soomaaliyeed lagu tababaray iyo waliba in lagu wado garoomada qaarkood dib u habeyn gaar ahaan Garoonka Mire Awaale ee magaalada Garoowe.
Mudane: Saalax Siciid Diiriye gudoomiyaha ururweynaha soomaaliyeed ee Puntland Aid Service ayaa asagoo kaashanayo walaalaha kale ee jaaliyada soomaaliyeed ee reer Copenhagen wuxuu wafdiga warbixin kasiiyay xaaladaha nololeed ee soomalida reer Denmark si guud ahaan iyo soomaalida reer Copenhagen si gaar ahaaneed. Mudane: Saalax ayaa ku nuuxnuuxsaday in ururka uu madaxda ka yahay mar walba u heelan yahay inuu taageero isboortiga iyo dhalinta. Mudane Saalax ayaa asagoo ku hadlaayo afka PAS iyo kan jaaliyada soomaaliyeed aad usoo dhaweeyay marti galinta PL ee ciyaaraha gobolada soomaaliya. Mudane Saalax ayaa wafdiga uga mahadceliyay ajiibida casho sharafka.
Ugu danbeyntii waxaa shirka soo gabagabeeyay Mudane: Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) oo u mahadceliyay qabanqaabiyayaashii shirka, dhalinyarada soomaaliyeedna ku dhiiragaliyay xoojinta isboortiga iyo ka qeyb qaadashada howlaha samafal ee bulshada soomaaliyeed wax loogu qabanayo. Mudane: Wiish ayaa ku dheeraaday in cudurka qabyaalada ee umada soomaaliyeed dilooday qaranimadiina dhumiyay looga hortagi karo isboortiga in la tayeeyo, lana xoojiyo isku xirnaanta dhalinyarada. Shirka ayaa wuxuu ku dhamaaday jawi qurux badan iyo is afgarad.