|
Ciyaaraha Xagaaga Sweden ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI oo ka bilowday Magaalada Stockholm
 Isniin, July 12, 2010(HOL): Waxaa galabta si rasmi ah uga bilowday Garoonka Spånga ee Magaalada Stockholm Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta xagaaga ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI. Furitaankii Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin Isboorti oo Soomaali ah iyo Mas’uuliyiin Siyaasadeed oo ka socday Dowladda Sweden iyo weliba Dadweyne aad u faro badan oo si weyn u soo camiray garoonkii ay Ciyaaraha ka bilowdeen. Furitaankii CIyaaraha ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin Soomaali iyo Swedish isugu jiray, kuwaasi oo dhamaantood qiray in ay ku faraxsan yihiin Ciyaaraha Sanad walba ka dhaca Dalka Sweden, gaar ahaan kuwa uu soo qabanqaabiyo Ururka SEUKI.
Tartankan Isboorti ee maanta bilowday oo socon doona ilaa 25-ka bishan ayaa waxaa ka qeybgelaya ilaa 12 Kooxood, kuwaasi oo ka kala socda Dalalka Britain, Sweden, Australia, Denmark, Norway iyo Finland, iyadoo ay xusid mudan tahay in sanadkan ay ciyaaraha ka baaqsatay Kooxdii ka imaan jirtay Dalka Holland, taasi oo u baaqatay daruufo u gaar ah Ciyaartoyda iyo Madaxda Kooxda. Waxaa ka hadlay furitaankii tartankan Guddoomiyaha SEUKI Mr. Xiirey Axmed Rooble, wuxuuna sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in uu si habsami leh ugu qabsoomay tartankii ay sanad walba qaban jireen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi ammaanteeda leeyihiin Kooxaha Tartanka ka qeybgelaya oo waqtigii loogu talagalay yimid iyo weliba mas’uuliyiinta Ururka SEUKI oo dadaal weyn u galay in uu tartanka qabsoomo xiligii loo qabtay. Xiirey Axmed Rooble oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in ujeedada tartankan loo qabto sanad walba ay tahay sidii loo heli lahaa meel ay dhalinyarada Soomaaliyeed isku weydaarsadaan aqoontooda iyo xirfadooda iyo weliba in looga hortago waxyaabaha muqaadaraadka ah.


 |