MUQDISHO: Tartan lagu  xusayo  Allaha u naxariistee Odayga Isboorti  Marxuum Xaaji Cabdulle Macalin ayaa  waxaa uu ka furmay gobolka waqooyi bari Kenya magaaladiisa Mandheera ,waxaana tartankan soo agaasimay Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [NGSC].



Tartankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay 8 kooxood oo ka dhisay magaalada Mandheera waxaana tartankan uu iminka yahay mid si weyn looga xiiseynayo oo ay ka soo qeybgalaan taageerayaal aad u farabadan oo xiiseeya isboortiga gaar ahaan kubadda cagta  waxayna aad ugu mahadceliyeen bulshada Mandheere ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [NGSC] dadaalkiisa ku aadan dhiirigelinta isboortiga.



“Mandheere  isboortiga wuxuu ahaa mid gaabis ah , laakiin iminka NGSC waxay abuurtay dhiirigelin kubado, dhar iyo qalab isboorti ayaanu gaynay taasoo sare u qaaday niyadda ciyaartoyda iyo bulshada isboortiga jecel, waxaana ku dadaalaynaa in dhallinyarada ku mashquulaan mar walba  isboortiga halka ay waxyaabaha xun xun ay aadi lahaayeen “ ayuu yiri Guddoomiyaha NGSC C/qani C/llaahi Hilowle [C/qani Jeenyo] oo ka hadlayay abaabulka tartankan mar uu igu waramayay khadka isgaarsiinta isagoo ku sugan London .

“Allaha ha u naxariistee Xaaji Cabdulle Macalin Abuukar wuxuu ahaa Halgamaa isboorti oo si weyn u jeclaa horumarka isboortiga, wuxuu mudan yahay in meel kasta lagu xuso waxqabadkiisa isboorti , tartamada aan ku xusayno ma`aha mid ku kooban Mandheere, meelo kala duwan sida Yurub iyo Mareykanka ayaan ku qaban doonaa Iinsha allaah” ayuu ku daray Guddoomiyaha NGSC  Mr. C/qani Jeenyo.



Haddaba kulamadii ugu danbeeyay kooxahaa waxay isku arkeen  Jameeca FC iyo Bulagare waxaa 2-1 guusha ku raacday Jameeca FC  goolashana waxaa u saxiixay ciyaaryahankooda khadka dhexe C/qani  Adoon iyo C/Wahaab oo xagga difaaca ka ciyaara waxaana goolka qura ee Bulagare u dhaliyay Qaasim.

Dhinaca kale kulan xiiso badan ayaa waxaa isku haleelay kooxaha NGSC iyo Bulo hindi waxaana 1-0 loogu awood sheegtay kooxda NGSC .


Ciyaarahan ayaa iminka waxaa ay yahiin mid si weyn looga hadalhayo guud ahaan magaalada Mandheere waxaana xusid mudan in kooxaha qaar ay ciyaaryahanadooda ka yimaadeen yimaadeen dhinaca magaalada Dooloow taas oo tartankan lagu xusayo Marxuum Xaaji Cabdulle Macalin Abuukar ka dhigtay mid xiiso weyn leh.

Allaha ha u naxariistee Xaaji Cabdulle Macalin Abuukar ayaa wuxuu ahaa shaqi si weyn ugu taagnaa dhiirigellinta iyo horumarta ciyaaraha laga soo bilaabo ciyaarihii gobolada dalka, wuxuuna Guddoomiye ka noqday Guddiga Olambikada Gobolka Banaadir iyadoo markii  ugu danbaysay  uu hayay xilka Xoghayihii guud ee Naadiga Dekedaha,  inta uu xilalkaas hayay wuxuu ahaa shaqsi aan  ka daalin sidii loo dhiirigelin lahaa isboortiga dalka.



Natiijooyinka tartanka iyo ciddii hanata koobkan kala soco halkan.


 Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)