Tartankii 15aad ee ciyaaraha xagaaga Finland oo ka bilaawday magaalada Helsinki ee dalka Finland

Waxaa si habsami ah loo furay tartankii shan iyo tobonaad ee ciyaaraha xagaaga Finland. Tartankan oo ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Xafladda furtaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ammaanteeda iska leh maamulka iyo guddigii qabanqaabada. Furitaankii ciyaaraha ayaa waxaa ka soo qayb galay ciyaaryahandii heerka kuwaad caan ku ahaan jiray dalka Soomaaliya, maamuladoodii kooxaha, jaaliyada Soomaalidda Finland iyo xubin sare oo ka socdey
Guddiga Olympikadda Soomaaliyeed iyo dhamaan bulshaweynta isboortiga Somaaliyeed ee wadanka Finland.
Xafladan ayaa waxaa ay ka dhacdey garoonkii loogu talagalay iney ciyaarhan ka dhacaan, waxaan martidii halkaas isugu timid ay ka soo jeediyeen qudbado kala duwan oo ku wajahnaa ciyaarahan iyo dhamaan is dhexgalka dhalinyaradan ka kala socotay kooxaha kala duwan

Tartankan ayaa waxaa uu ahaa mid si joogto loo qabto sanad walba, wuxuuna soo socday muddo dheer, waxaana had iyo jeer qabanqaabin jiray labadda urur ee isboorti ee wadankan Finland u weyna. Ugu danbeeyntii ciyaarahan qabashadiisa ay ku soo hortay hal urur oo magaciisa layiraah Ururka dhaqanka iyo Isboortiga Finland.
Dadkii furitaanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha qabanqaabadda tartankaan Ahmed Cabdulahi (IMAD) waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Dhalinyaro weaxaan idinku la dardaarmayaa inaad soo bandhigtaan ciyaar wanaag oo ay asluubi ku dhisan tahay, urukan dhaqanka iyo isboortiga Finland waxaa uu idiin balanqaadayaa isagoo latashanay qaybaha kala duwan ee isboortiga inuu idin joogteen doono ciyaaraha si loo helo dhalinyaro mustaqbal ku yeelata ciyaarahan".
Waxaa sidoo kale ka hadlay halakaas wakiil ka socdey jaaliyadda mideysa Soomalidda Finland Cabdirasaaq Hassan waxaa uu yiri isagana"Waa wax lagu farxo in dhalinyaro yar yar oo ka qayb qaadata ciyaarahan noocan ah". Cabdirisaq ayaa waxaa uu dhalinyardda ku dhiiri geliyey inay ka qayb qaadashadda isboortiga badiyaan.

Waxaa isna halkaas ka hadlay xubin Guddiga Olympikadda Soomaaliyeed ka socdey kana mid ah xubnaha ugu firfircoon isboortiga Finland waa mudane Abdiaziz Godah waxaana hadalkiisa kamid ahaa"Waxaan wax lagu farxo ah in ay horta reer finland noqdaan wadanka keliya ee ciyaaraha xagaaga ku qabsado wadanka gudihiisa kasoo ku kooban reer finland, sanadihii hore waxaan xiligaan oo kale aan wadamadda kale ka maqli jirnay inay qabanayaan ciyaaro kuwan la mid ah, lakiin aanan garan karin waxa ku dhacay, taas daraadeeda maamulka qabanqaabadda waa ay ku amaananyihii.Tanlabaad Abdiazizz oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri "dhalinyaraddan waxaa looga baahan yahay inay kasoo baxaan kuwa qaranka matela, maamulkana waxaa uu ka codsadey iney joogteeyaan ciyaarahan".

Cabdi Mahad Hassan (LABOOS) oo ka mid ah guddiga qaban qaabadda ayaa waxaa uu iiga waramay ciyaartii furitaanka iyo tii kuxigtay labaddaba iyo guud ahaan garoonka guud ahaan Abdi-Mahad waxaa uu ii sheegay inay ciyaartii hore isaga horyimaadeen kooxaha R3 iyo Al-Huda kuna dhamaatay 1-1. Ciyaartii labaad oo ay dadku wada sugayeen oo halkaas ay ku dhexmartay koox kasocotay gobolka Vaasa iyo EspooUnited ayaa waxaa gabgabaddii reer espoo loogu xoogsheegtay 3 iyo 0. ciyaartan danbe ayaa waxaa lagu arkayey dhalinyaro mustaqbal kuleh ciyaartan kubadda cagta
Gabagabddii waxaa ciyaarahan goobjoog ka ahaa qaybaha warbaahinta kala duwan sida Somalisc.com.Goolka .com
Waxaa soo diray Imad