Naadiyaashii Ugu Waawaynaa Yurub Oo Isku soo aaday wareega 16-ka ee Champiom League ..
 
Isku aadka Koobka Kooxaha Qaarada Yurub ayaa goor dhow laga soo saaray Magaalada Paris, iyadoona wareegan 16-ka uu yahay kii ugu xiisaha badnaa ee ay isugu soo aadaan kooxaha ugu waa weyn ee Qaarada Yurub.

Sanadkan ayaa waxaa uu ka duwanaan doonto sanadihii hore, kadib markii ay isku soo aadeen kooxo awood ku leh Horyaalada Qaarada Yurub.

Kooxahan ayaa isugu aaday si layaab leh oo aan abid horay loo arkin, waxayna taageerayaasha kooxahan ay durba bilaabeen inay saadaal ka bixiyaan, waxaana midba walba uu bilaabay inuusan yareysan kooxda kale ee ku soo aaday.

16-ka kooxood ee isugu soo haray Koobka Champion League ayaa ka kala socda Afar Koox oo ka socota Ingiriiska, Spain oo ka socoto afar Koox, Talyaaniga oo ka socota saddex kooxood, Labo koox oo Portugal ah, Koox Jarmal ah, Hal koox oo ka socota Faransiiska iyo kooxda kale ee Gariiga ka socota.

Talyaaniga oo saddex koox kaliya ugu soo hartay Wareega 16-ka ayaa ku aaday saddex koox oo reer Ingriis ah, taasoo aad loola yaabay, isla markaana ay tahay markii u horeysay ee saddex sadax isugu aadaan, inkastoo sanadkii hore ay isugu aadeen labo labo kooxaha Milan, Inter iyo Liverpool, Arsenal, sanadkaasoo laga soo wada badiyay Kooxihii reer Talyaani ee isku magaalada ahaa.

Kooxaha Manchester iyo Inter Milan ayaa is arkaya sagaal sano kadib koobkan oo markii ay qaaday Kooxda Manchester sanadkii 1999-kii ku soo reebtay Inter Wareega 8-da, laakiin kooxda Inter oo xilligan heysata Tababar aad u qibrad leh ayaa aheyn sidii waagaas, waxaana Tababaran Jose Mourinho uu dib ugu laaban doonaa Dalka Ingriiska marka uu la cayaaro Manchester, isagoona horay usoo leyliyay Kooxda Chelsea.

Macalinka Inter Mourinho waa nin si aad ah u yaqaan qaab ciyaareedka Manchester United oo uu intii jeer tababara usoo ahaa Chelsea dhowr jeer ka badiyay, isaga iyo Macalinka kale ee leyliya Kooxdaas aad ayay isu yaqaanaan.

Isku aadka wareega 16-ka waxay kooxuhu isku aadeen sida tan:

Chelsea v Juventus
Villarreal v Panathinaikos
Sporting Lisbon v Bayern Munich
Atletico Madrid v FC Porto
Lyon v Barcelona
Real Madrid v Liverpool
Arsenal v Roma
Inter Milan v Manchester United


Kooxahan ayaa is arki doono taariikhda marka ay tahay bisha febraayo 24-ka iyo 25-ka ee sanadka soo socda, waxaana ay kulmi doonaan mid labo jeer oo koox walba gurigeeda ku marti gelin doonta kooxda kale, waxaana hadii kooxahan soo baxaan ay usoo gudbi doonaan wareega 8-da

C/laahi Xasan Baliil.
Baliilkhan10@Hotmail.Com
Xafiiska warqabadka ee CayaarahaSwdan.Com
Muqdisho-Somalia