|
Kooxda Rinkeby FC oo ku guuleysatay koobkii ciida magaalada ee Stockholm

Magaalada Stockholm oo ah caasimada Sweden ayaa taariiqdu markay ahayd 9kii december 2008 ku soo gabagaboobay tartanka koobka ciida, tartankaan oo ay ka qeyb galeen ilaa 8 kooxood ayaa soo bolaawday maalintii jimcaha 5tii december 2008, iyadoo tartankaan ka kala dhacayeen laba garoon oo ku kala yaala xaafadaha kala ah Spånga iyo Jakobsberg. Tartankaan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey qaar ka mid ah bahda isbortiga magaalada Stockholm kuwaas oo hormuud u ahaayeen Maxamed Mukhtar, Bashiir Jeenyo, Maxamed Muse iyo Cabdiqani Caalim, tartankaan oo is reebreebka hore ka dhacay garoonka Spånga ayaa waxaa semi finalka isugu soo haray kooxaha kala ah Midnimo,Rinkeby,Tensta iyo Horseed.

9kii december ayey kooxahan ku kulmeen garoonka jakobsberg oo ay daawashadooda kasoo qeyb galeen dadweyne aad u xiiseeya cayaaraha, kooxda Tensta ayaa is reeb reebkii hore marna laga badin iyadoo aad loo saadaaliyey inay iyagu noqon doonaan kooxda ku guuleysan doonto, kooxda Rinkeby ayaa iyaduna aad loo hadal hayey inay ku guulesan doonaan, hase ahaatee kooxda Midnimo iyo Horseed ayaa lagu tirinayey kuwa dhibca badsi noqon doono, kabtanka kooxda Tensta Ducaale ayaa aad ugu kalsoonaa inuu ku guuleysan doono tartanka halka kabtanka kooxda Rinkeby gaadaco ka muuqatgay rajo xumo, taas oo ugu wacan is reeb reebkii hore oo mar laga badiyey.
Si kastaba ha ahaatee tartanka ayaa ahaa mid la is wada arkayo oo la xisaabinayo dhibco iyo goolal, labada kooxood ee kala ah Rinkeby iyo Tensta ayaa durbadiiba ka tagay labadii kooxood ee kale, kooxda Rinkeby oo ay ka muuqdeen cayaartooy caan ah oo aad u sareysa farsamadooda ayaa waxaa ka mid ahaa Ibraahim Cato,Saadaq yare, Gaadaco, Baabul, jeeri, Maxamuud,Wagad iyo kuwa kale, kooxda Tensta ayaa waxaa ugu cad cadaa kabtanka kooxda Ducaale,Colow,Tarabi,Anelka,Mahad Qoryooleey,Koshin iyo kuwa kale.
Gabagabadii ayaa waxaa ugu dhibca batay kooxda Rinkeby o noqotay kaalinta koowaad, kaalinta labaad ayaa si lama filaan ku qaadatay kooxdii midnimo ka dib markii isku dhibca noqdeen kooxda Tensta hase ahaatee laga goolal batay, kaalinta sadexaadna waxaa galay kooxdii Tensta oo markii hore aad loo hadal hayey inay qaadi doonaan, mar aan wax ka wareystay kabtanka kooxda Tensta Ducaale ayuu waxa uu ii sheegay in dhaawac ay uga maqnaayeen dhowr cayaartooy oo u ahaa muhiim isagoo xusay, goolhaye Liibaan, difaaca oo uu ka dhaawacmay Bikolo, qadka dhexe oo uu ka maqnaa Caddeiyo Weerarka oo Hatun laga tabayey,mudane Ducaale waxa uu u hambalyeeyey kooxdii Rinkeby isagoo sheegay inay soo bandhigeen cayaar farsama wanaagsan ay istaahileen inay ku guuleystaan koobka, sidoo kale kabtanka kooxda Rinkeby Maxamed Gaadaco ayaa waxa uu sheegay waa u caado kooxda Tensta inay ku mar marsiyooto dad ayaa iga maqnaa waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey inuu diyaar u yahay mar kasta ay diyaar yihiin ay u fidin doonaan casharkii aan cawada siinay oo kale.
Kooxda Midnimo oo kaalinta labaad aad maqsuud ugu ahaa ayaa kabtanka kooxda Gurey ka muuqatay farxad aad u weyn waxa uu yiri waxaa muddo nala lahaa boolo boolo balse maanta 8 kooxood ayaa kaalinta labaad ka galnay tasina waxa ay muujineysaa sida kooxda u adag tahay, si kastaba ha ahatee kooxahaan ayaa ahayn markii ugu horeeyey oo ay wada cayaaraan, xiliga kuleelaha ayaa waxa ay cayaaraan tartamo joogta ah oo todobaadkii laba mar cayaari jireen, waa labada kooxood e ugu taageerada badan waa kooxda Rinkeby iyo kooxda Tensta. Cayaartooygii ugu wanaagsanaa ayaa qaatay cayaaryahan Baabul, goolhayaha ugu wanaagsan Jeeey iyo goolal dhalinta oo uu qaaday Saadaq Yare.
Ibrahim Galbeyte
Stockholm Sweden
|