Soomaaliya oo ku guuleysatey koobkii wadamada Africanka ee ku dhaqan wadanka Danmark

 

abdikarim_400babymamasaid_400

 

 Waxaa magalada Kobenhagen ee wadanka Danmark 22 06. 08 ku soo gabagaboobay tartankii wadamada Africanka si habsami ah ugu socdey garoonka weyn ee ku yaala bariga Kobenhagen ee lagu magacaabo Fælledparken Stadium, tartankaan ayaa la cayaarayey axad walbo kaasoo bilaawadey taariikhdu markey aheed 25.May 2008, kaasoo wamada ay u kala qeybsanaayeen laba group oo kala ahaa.

 

 

Group A                                                       Group B

Gambia                                                                           Algeria

Togo                                                                              Somalia

Ghana                                                                             Morocco

Cameroon                                                                       Uganda

 

Cayaarahan oo la soo wada cayaarey wareegiisa kowaad, ayaa wadamadi u soo wada gudbey semifinal, ayagoo isku arkey, ayna u kala badiyeen sidaan,

bamsa_400 bidiska_orodka_400

  

Cameroon 1:3 Somalia

Morocco 0:1 Togo

 

Malinimadi axada 22.06.08 ayaa la wada cayaarey cayaarti Finalka ay iskugu soo hareen wadamada Somalia Vs Togo,

 

Waxaa bilaawatey cayaartii dhaxmari laheed kooxhii iskugu soo harey finalkii sacada mar key aheed 18:00, 22.06.08 Somalia iyo Togo, Qaranka Togo ayaa ah qaran aad iyo aad u dhisnaa qaabkood sportis, cayaartii wax la wada caayaraba qeybtii hore iyo tii danbe ayaa ku dhamaatey 0:0, cayaartii ayaa waxaa la dhigey rigoorayaal, wadan walbo wuxuu soo gudbiyey intii rigooraha u gami lahed, nasib wanaag, waxey halkaas guusha ku raacdey kuna badiyey qaranka Somalia oo goolhayihi Somalia oo lagu magacabo Cabdulqadir Yasin Axmed (Bamsa) oo ka qabtey cayaartooydi Togo 4 rigoore, dhanka Somaliana laga qabtey 1 rigoore, ayaa Qaranka Somalia ayaa ganatey 3 rigoore ayagoo dhaliyey laba ka mid ayaa inta kale loo baahnan iney gantaan, sababtoo ah Togo oo laga qabtey 4 rigoore darteed, cayaartina ku dhamaatey 2:1 oo guushi raacdey qaranki Somalia.

 

safka_final_400 seylac__surka_400

.
Somalia 0:0 Togo,

(p2:1)

 Qaranka Soomaaliyeed ayaa ahaa qaran aad iyo aad u dhisna oo si heer sare loo soo xuley, ayagoo laga soo kala xuley naadiyada waa weyn ee ka dhisan wadanka Danmark, sida Fiuk Odense, Olympic Amager IF, FC Valby, KIKlub iyo Holbæk

 

 

 Waxaana ka soo qay galay dadweyne aad u fara badan oo Somali ah oo iyagu aan tagi jirin cayaarahan  afrikanka, markii ay maqleen in qaranka Somalia yimadeen finalka, Soomaalibadan ayaa hamigoodii kor u kacay  oo iyagu isi soo dhoobay garoonka maalintaas.

 

Waxaa bilaawatey bixintii biladaha iyo koobabkii, waxaa isla markaas lagu soo dhaweyey wakiil ka socdey safaarada South Africa Mr Vukile Mdlalo asagoo halkaas ugu hambalyeey qaranka Somalia guusha ay gaaren  uguna mahada celiyey cayaar wanaaga iyo adaabta ay ka muujiyeen garoonka iyo dhamaan wadamadi ka soo qeyb galey tartankaan, ka dibna guddiga qaban qaabada African Cup oo ku sharfey inuu baxsho koobkii iyo biladahii ay heleen wadamada.

 

siid__jamal_400yusuf_calanka_400

.
1aad Somlia

2aad Togo

3aad Morocco

 

 Waxaa galabtaas garoonka ku sugnaa macalmiin, gudoomiyaal iyo taageerayaal farabadan oo ay soo qaadey qiiro wadannimo ayaa waxaa ka mid ahaa Macalimu Nuur Suufi Maxamed (Nuur gaab), Cabdullahi Shaacir,Mohamed shukri SSUF DEMNARK,BASHIIR Guddomiyaha SODSA Cali Cusmaan Xeyle (Cali Buuje), Siid Cali, Jamaal Cabdullahi, Gulled, Maxamuud Geele, Maxamuud Cusmaan (Surka), Maxamuud Shiino, Mumin Cali Afrax, Cali Xaji,Yusuf Shabelle, Saciid gaab Axmed dashiishle,saylac iyo qaar kale aan halkaan ku soo koobi karin

shinoali__bashka_400shukri__dheere_400

 

Qaranka Somalia ee Danmark

1.Abdulkadir Yasin Ahmed (Bamsa) FIUK Odense
2.Abdirisak Cabdi Warsame (Ninja) FIUK Odense
3.Mohamed Yasin Ahmed (OB) FIUK Odense
4.Mohamed Cabas Sicid Olympic Amager IF
5.Cabdulqadir Xasan Ahmed (Atto) Olympic Amager IF
6.Maxamed Xasan Ahmed (Baby Face) Olympic Amager IF
7.Muse Jamac Olympic Amager IF
8.Axmed Maxamed Olympic Amager IF
9.Cabdiraxman Adan (Cabdi yare) FC Valby
10.Maxamed Muse (Ciyaal mama) FC Valby
11.Mustafa Muse FC Valby
12.Nuur Cabdulle Maxamed (Diite yare) FC Valby
13.Xasan Maxamed (Xasan Cade) KIKlub
14.Siciid Xuseen KIKlub
15.Axmed Jamac Malmö Swe


 

champion123_400information_bixin_400

ob__shukri_400ob_capitano_400

.

qudbada_400moroco3aad_400

African Cup ee Danmark waa markii labaad ay ku guuleystaan Somalia, teeda kale wadamadi halkaas iskugu yimid, maamulka African Cup iyo wakiil ka socdey safaarada South Africa Mr Vukile Mdlalo ayaa ku tilmaamey dhalinyaradii halkaas ka cayareysey ineysan aheen kuwa aan loogu tala galin in ay halkaan ka cayaaran ee waa dhalinyaradii mustaqbalka Somalia ee waa kuwii laga sugaayey world cupka lagu qabanaayo South Africa, (These young guys dont play African Cup in Danmark, play African nations and world cup).

 

 

Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar