Guddiga Olymbikada Qaranka Soomaaliyeed oo ka qayb galaya shirweynihii 121-aad ee olymbikadda Aduunka.

image

Guddiga olymbikadda Qaranka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga olymbikadda Qaranka Soomaaliyeed Mudane Aden Xaji Yabarow (WIISH) ayaa waxaa ay ka qaybgalayaan shirweynihii 121-naad ee olymbikadda adduunka.

Shirweynaha ayaa waxaa uu soconyaaa mudadda u dhaxaysa 1.10 ilaa iyo 5.10-aad, shirweynahan ayaa waxaa looga hadlidoonaa inta uu socdo laba arimood oo aad ugu muhiim ah kuwaas oo ah:

1.Munaasabadda Xulashadda ciyaaraha kulaylaha Olymbika ee 2016 2.Doorashaddii guud ee madaxda sare ee Olymbikadda aduunka

Tan koowaad sida aan lasocono waxaa sharaxnaa afar wadan oo ku tartamaysey,qabashadda ciyaaraha kulaylaha ee olymbikada aduunka,kuwaas oo kala ahaa Brasil,USA,Jaban iyo Spein. Tartanka ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda aduunka ugu sareeysa oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Maraykanka Obama iyo sidoo kale kuwa Brasil,Jaban iyo Spein. Si kastaba ha ahaatee tartankii waxaa kama danbays isku soo haray labo wadan kuwaas oo kala ahaa Real oo ka socotay wadanka Spein iyo Rio oo ka socotay wadanka Brasil, waxaana halkaas guushii ay ku raacday wadankii Brisil,magaaladdii matalaysay ee RIO.

Tan labaad ee shirweynahan ayaa waxaa ay tahay qaybta doorashadda oo iyadu dhicidoonta beritoole haddii allaha awooda leh ogolaado,waxaana halkaas lagu dooran doonaa guddoomiyaha afarta sanno ee soo socota ee IOC:da,bacdanmaa uu kan hadda hayo waqtigiisa uu dhamaanayo.

Dooroshooyinkaas iyo wixii wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha Olymbikadda Qaranka Soomaaliyeed oo ay ka midka yihiin Guddoomiye ku xigeenka GOS mudane Duran Farah Ahmed iyo Xoghayaha Guud ee GOQS mudane Abdullahi  Axmed Tarabi ayaa ,Xubin GOQS Maxamed Shukri ahna wakiilka Denmark u fadhiyo Gudiga.Waxaan idiinka soo sheegidoonaa dib wixii ka soo baxo shirkaas.

 

 

 

 

 

 

                                                     Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh