Luis Ronaldo Oo Rajo Xumo Kamuujiyay Ciyaaridiisa Kubada Cagta...

Xidiga weyn ee reer Brazil Luis Ronaldo ayaa dib ugu soo noqdey garoomada ciyaaraha kaasoo oo uu dhaawac dartii kaga maqnaa tan iyo bishii Febraayo ee bilowgii sanadkan.

Ronaldo oo 32 jirsadey ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Fiz ee dalka Maroko iyadoo dhaqaalaha kasoo baxana loogu tabarucayey dadka fuqurada ah oo loogu magac daray LA DAGAALANKA FAQRIGA isagoo hogaaminayey kooxda Ronaldo oo kulankaan la ciyaareysey koox uu horkacayey xidigii weynaa Zinedine Zidane oo lagu magacaabay kooxda Zidane.

Ronaldo ayaa kulankaasi ciyaaray 23kii daqiiqo ee ugu horeysey iyadoo lagu bedelay gabadha ugu qatarsan aduunka Marta oo u dhalatay Brazil iyadoo noqotey gabadhii ugu horeysey ee safata kulan noocaan oo kale ah.

Cayaaryahankan Ronaldo oo dhaawac daran kasoo gaaray jilibka ayaa hada sheegay iney diyaar u yahay inuu mar kale garoomada ciyaaraha kusoo laabto inkastoo uu calaamad su`aal dul dhigay rajada uu ka qabo inuu mar kale ka ciyaaro horyaalada waa weyn ee aduunka mar uu wareysi siiyey Gazzetta dello Sport.

Ronaldo ayaa markii ugu horeysey sheegay in laga yaabo inuu ka fariisto ciyaaraha maadaama uu dareemayo daal badan hase yeeshee uusan go`aankaas weli qaadan.

Waxaa jira warar sheegaya in kooxda Flamengo ay doonayaan in Ronaldo ay heshiis lagalaan hadii uu go`aansado inuu sii wado ciyaarta kubada cagta.

Aayo darada kudhacday ciyaaryahankan ayaa waxaa ay niyad jab kunoqon doontaa hamigiisii ku aadanaa in uu mar kale u safto xulkiisa brazil oo uu xili diiq ka ahaa iyo ciyaarida cayaaraha aduunka 2010-ka lagu qaban doonto koonfur afrika.

C/laahi Xasan Baliil.

Baliilkhan10@Hotmail.Com

Xafiiska Warqabadka CayaarahaSwedan.Com

Muqdisho=Somalia