Ismaaciil Maxamed Cumar oo taageero weyn u fidiyay Gabadha Cayaara Kubadda Kolayga.

Ciyaaryahanka Xulka Qaranka Soomaaliya isla markaana ka cayaara dalka Talyaaniga Ismaaciil Maxamed Cumar ayaa si weyn u taageeray Gabdhaha Soomaaliyed ee cayaara kubadda Kolayga kuwaas oo ka dhisan gudaha dalka Soomaaliya.

Isagoo u waramayay Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay tartamada Kubadda Kolayga ee ka dhaca gudaha dalka, isagoo si gaar ah u soo qaatay naadiyada Horseed iyo Heegan oo ah Labo Naadi oo caan ah isla markaana ku wada jiraan Gabdhaha Qaranka u cayaara ee Kubadda Kolayga.

Laacibka Cayaara Kubadda Cagta Isla markaana muddooyinkan dambe ka dhex muuqday Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyed ee Dibadda ku dhaqan inay maalgelin ku sameeyaan Gabdhaha Kubadda Kolayga ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxaa Sharaf ii ah inaan taageero weyn u fidiyo Gabdhaha Soomaaliyed ee Cayaara Kubadad kolayga sida Heegan iyo Horseed, waxaan ku faraxsan nahay sida wacan ee u ilaaliyaan magaca Qarankeena Soomaaliyed”ayuu yiri Ismaaciil Maxamed Cumar.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya waxaa ka dhisan dhawr naadi oo isugu jira Wiilal iyo Gabdha kuwaas oo Cayaara Kubadda Kolayga, waana tartamada kaliya ee hadda dalka ka socda oo ay dadweynaha si aad ah ula socdaan.

Jawaabta Gabdhaha Kubada Koloyga.

Anagoo ah Gabadhaha Soomaaliyed ee Kooxaha Kubadda kolayga dalkeena ka wada tirsan waxaan aan ugu faraxsanahay taageerada uu noo fidiyay Wiilka,Ciyaaryahanka Qaranka Soomaaliyed Ismaaciil Maxamed Cumar.

Markii aan aragnay baaqii Ciyaaryahankaas Ismaaciil,waxaan ka yeelanay kulan deg deg ah,anagoo ka jawaabaya baaqaas ayaan u mahad celinaynaa Ismaaciil oo ah wiil soomaaliyed ee Jacayl waxqabadka dadkiisa iyo dalkiisa.

Gabdhaha ka wada tirsan KOOXAHA KALA AH HEEGAN,HORSEED,DEKADAHA,DOWLADDA HOOSE IYO kooxaha waxaan ku faraxsanahay sida uu noo taageeray ciyaaryahankaas soomaaliyed ismaaciil maxamed cumar

Mar labaad iyo mar 3 aad waxaan leenahay dadka la midka ah ciyaaryahanka Ismaaciil oo kale inay taageeraan dadaalka gabdhaha soomaaliyed

Gabdhaheena ka Cayaara Gudaha dalka, waxaan soo dhaweynaynaa guusha taariikhda ah ee uu Kubadda cagta ka gaaray Ismaaciil isagoo aan u dooranay Laacibka ugu wanaagsan dalka soomaaliya.

Kabtanada kooxaha Horseed, Heegan,Dekadaha,Dowladda hoose iyo kooxaha kale ee Gabdhaha Kubadda Kolayga, taageerayaasha waxaan soo dhaweynaynaa qiimeynta Cayaartoyda ee lagu soo bandhigay midnimo maanta kaas oo markii aynu aragnay ku faraxnay waayo waa markii ugu horeysay oo Cayaartoyda dalka qiimeyn lagu sameeyo awoodooda Ciyaaryahan iyo wixii ay shaqeysteen.

Marka la fiiriyo meelaha faraha badan ee Ismaaciil ka soo cayaaray wuxuu mudan yahay in loo aqoonsado geesiga Soomaaliya ee kubadda Cagta

Magacydeena

Maama Batuulo

Mulki Nuur Muudey

Faadumo Yarey

Fartuun Xasan Cali

Xaawo Maxamud

Sahra Xasan

Nuurta Xuseen Maxamed

Sacdiyo Muxyadiin

Nasro Cali Jimcaale

Nasteexo.

C/laahi Xasan Baliil.
Baliilkhan10@Hotmail.Com
Xafiiska War Qabadka CayaarahaSwedan.Com
Muqdisho-Somalia