Diyeeshaha Qaranka Somalia oo katacsiyeeyay Geerida Marxuum Faarax Sindiko.
Ismaaciil M. Cumar"Aad baan uga naxay geerada Faarax,waxaan u dirayaa Tacsi
Qaar ka mid ah Cayaartoyda Soomaaliyed ee Dibadda ku nool ayaa waxay Tacsi Qaran u dirayaan dhamaan Umadda Soomaaliyed gaar ahaan qoyskii uu ka tagay Faarax Sindiko
Tacsi Maruum Faarax Weheliye Cadow sindiko
INAA LILAHI WA INAA ILAHAYI RAJICUN-- Maruum Faarax Weheliye
Cadow- sindiko-
Anigoo ah Ismaaciil Maxamed cumar ku hadlaya magaca ciyaartoydadhan xulka
kubadda cagta qaranka somaliya waxaan halkaan tacsi uga direynaa dhamaan ehaladi
iyo qaraabadii uu ka tagay Waxaan ilaahay uga baryaynaa in ilhaay u naxariisto
ilaahayna u samir iyo imaan ka siiyoo reerkiisii iyo bahada sportiga Somaliya .Aamiin
Geerada Faarax waxay naxdin ku reebtay dhamaan Umadda Soomaaliyed, aad baan uga naxnay geeradaas, waxayna wax u dhimi doontaa horumarka Cayaaraha Soomaaliya iyo mida Afrika ayuu yiri Ismaaciil Maxamed Cumar.
Ismaaciil waxaa uu ugu baaqay Xiriirada kala duwan ee dalka ka jira inay aas qaran u sameeyan Faarax Weheliye Addow (Sindiko) oo maalinta beri meydkiisa la keeni doono Magaalada Muqdisho.