|
Shir Sanadeedkii FIFA oo laga soo saaray arino badan oo xasaasi ah oo ku saabsan Cayaartoyda.
Shirkii 58 aad ee xiriirka kubadda cagta adduunka "FIFA" ayna ka soo qaybgaleen 201 xiriir oo xubno ka ah xiriirkan laguna qabtay magaalada Sydney ee cariga Australia ayaa waxaa laga soo saaray arimo badan oo xasaasiyad ka dhaliyey dalalka Yurub.
Qodobka ugu muhiimsan ee ka soo baxay shirkan ayaa ah mid lagu magacaabo 6+5 oo ay FIFA muddo badanba hadal haysay lagana fiirsanayey sidii looga dhaadhicin lahaa kooxaha qaaradda yurub qaarkood inkastoo uu hadda ka hor yimid xeerka shaqada ee shaqaalaha qaaraddan Yurub.
Xeerka 6+5 ayaa waxa uu qeexayaa sidan hos ku cad:
Bilowga cayaar kasta oo ka mid ah kuwa ay qabanqaabiyaan xubnaha FIFA waxaa khasab noqonaysa in ay saftaan 6 ka mid ah cayaartoy xaq u leh in ay u saftaan xulka qaranka ee dalka ay kooxdaasi ka dhisan tahay. (Lix cayaartoy oo dalkaasi u dhalatay) Xeerkani ma xadidayo cayaartoyda aan u dhalan dalkaasi oo heshiiska kula jira kooxdaasi.
Sidoo kale ma xadidayo cayaartoyda kaydka u fadhisa kooxda.
Xeerkan ayaa sanadka 2010-2011 ku bilaaban doona 4 cayaartoy (4+7), sanadka 2011-2012 kana 5 cayaartoy (5+6) halka sanadka 2012-2013 kana uu si rasmi ah u noqon doono 6 cayaartoy (6+5) si ay kooxuhu u helaan waqti ku filan oo ay ugu diyaargaroobaan xeerkan isla markaana isugu dhafaan kooxdooda. Baahida keentay in la soo saaro xeerkan ayey FIFA ku macnaysay:
Saldhiga kubadda cagta oo ah sidii loo dheelitiri lahaa xiriirka u dhaxeeya kooxaha iyo xulka qaranka Kooxaha oo lumiya aqoonsiga dalkooda oo khatar gelinaysa miisaanka aan kor ku soo sheegnay, waxayna sidoo kale sii kala fogaynaysaa faraqa dhaqaale ee u dhaxeeya kooxaha ayadoo isla markaana sii fududaynaysa sidii loo saadaalin lahaa guulaha kooxaha. Si loo ilaaliyo waxbarashada iyo tababarka dhalinyarada soo koraysa, qiimaha dhiirigelinta cayaartoyda yaryar kaasoo aad muhiim ugu ah jiritaanka xulka qaranka isla markaana dheelitiraya kooxaha. iyo ugu dambayntii ayadoo aysan sii socon karin horumarinta kubadda cagta adduunka haddii ay sii socoto sinaan la'aanta kooxaha dunida iyo waliba qaaradaha oo aad u sii kala fogaanaya. Hadaba markii maanta lagu dhawaaqay xeerkan ayaa waxaa isla markiiba ay bilaabeen dadka ka hadla kubadda cagta in ay ka hadlaan arintan ayagoo tilmaamay sida aysan suuragal uga ahayn qaaraddan Yurub taasoo ay ku macneeyeen in ay tahay sharci darro isla markaana ay kooxaha Yurub ku lumin karaan lacag fara badan.
Cayaartoyda u dhalatay dalalka Yurub waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka shaqayn karaan dalalka ku midoobay midawga Yurub ayadoo haddii loo diido ama kooxdu ku anadacooto uma dhalan dalkan ay ka horimaanayso sharciga shaqada ee midawga Yurub kaasoo ay ku dacwayn karaan isla markaana uga heli karaan magdhaw.
Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Yurub Micheal Platini oo ka hadlay shirka FIFA ayaa caddeeyey in uu ku taageerayo guddoomiyaha FIFA xeerkan sidii loo dhaqan gelin lahaa balse ay kala hadli doonaan sida ay suuragal ku noqon karto xeer dejiyayaasha midawga Yurub.
Sidoo kale kooxaha waawayn ee qaaraddan Yurub ayaa la filayaa in ay ayaguna si cad uga hor imaan doonaan xeerkan taasoo aan la ogayn halka ay ku dambayn doonto dooda ku saabsan arinkan.
Qore: Maxamed Mukhtaar Sheikh
|