KULAN XIISA BADNAA OO KA DHACAY BEIKING
|
Saturday, August 30, 2008 -Waxaan Peiking China kula kulanay ciyaartooy iyo macalimiin Soomaaliyeed, kuwaas oo matalayey wadamada kala duwan Halyeey Cabdi Bile Cabdi ayaa macalin u ahaa ciyaartooyda oradada dalka Sacuudiga. Jaamac Karaaciin oo macalin u ahaa ciyaartooyda oradada dalka Sudan. Maxamed Saleebaan oo u qaabilsan horumarinta ciyaaraha fudud dalka Qatar Maxamed Faarax 5000M u ordayay dalka Britian. Mustafe Maxamed 3000M u ordayay dalka Sweden. Cabdi Cabdiraxman 10.000M u ordayay dalka USA.
Kulankaas oo dhaxmarey Gudiga Olampikada Soomaaliyeed iyo Cabdi Bile, Jaamac Karaciin, Mohamed Sulaymaan, Maxamed Faarax, Mustafe Maxamed & Cabdi Cabdiraxman ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa cayaaraha fudud Soomaaliya iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la isku af gartey in 6 xero oo lagu tababarto ciyaaraha fudud laga furo Soomaaliya lix gobal oo ka mid ah sida Banaadir, SH.dhaxe, Hiiraan, Bay, Sool iyo Togdheer, ugu horeyntiina waxaa laga furey xeradii ugu horeysay magaalada Laascaanood, waxaana maalgalinaayo ciyaaryahankii orada 800 & 1500 M dalka Qatar u ordi jirey, haatana ah madaxa horumarinta cayaaraha fudud dalka Qatar Mudane Maxamed Saleebaan. Waxaa xusid mudan in Macalin Jaamac Karaciin iyo Maxamed Saleebaan ay balan qaadeen inay ku tababaraan si lacag la’aan ah xeryaha ay ku tababaraan ciyaartooyda dalalka Qatar iyo Suudan kuwaaas oo xeryo tababar ku leh dalalka Kenya, Tansania, Yemen iyo Sudan Mudane Duran Farah ayaa hadalkiisii ku soo gunaanuday inay u qiiroodeen dalka Soomaaliya intii ay joogeen China , waxana u yiri waxaa arkaysaa qiimaha ay leeyihiin dadka iyo dalalka kale marka ay joogaan Olampikada isla markaana wadan walbo ay ka socdaan boqolaal ka qayb galaysa ciyaaraha noocyadiisa kala duwan halka anagana 2 qof noolugu ogalaaday inaan ka qayb galno un sida sharciga dhigaayo balse hada kadib loo baahan yahay inaan si weyn uga qayb galno iskuna diyaarino 2012 hadii Eebe idmo, Waxaana taas suurtagalinteeda looga fadhiyaa dhamaanteen, marka qofkii wax qaban karo ama ka qayb gali tartamada waxaan ugu baaqaynaa inaa u soo istago sidii dalka Soomaaliya sumcad darada ka haysata caalamka ugu badi lahayn xushmad iyo wanaag iyo in Soomaaliya aanu ku soo celino caalamka ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday ,qoraha maqaalkaan qoray,oo ugu baaqay dhamaan bahada ispoortiga ee qurba jooga ah in guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii wadankeena wax loogu qabanlahaa oo loo soo saari lahaa cayaartoy cayaaraha caalamka ka qeyb gasha magacna ka keenta.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|