|
Xafladii Xiritaanka Tartankii Cayaaraha Xagaaga ee K/Kolyga
Kooxda kubadda koleyga ee London ayaa habeenimadii xalayto oo ay taariikhdu ku beegnayd 07/30/2008,waxaa ay si xarrago leh ugu guulaysteen koobkii kubadda koleyga ee xagaaga oo labadii toddobaad aynu ka soo gudubnay si xiiso iyo xammaasad badan uga socday garoonka kubadda koleyga Rinkbey ee Sweden,Iyaga oo ku adkaaday 74 dhibcood.
Kooxda kubadda koleyga ee London ayaa habeenimadii xalayto oo ay taariikhdu ku beegnayd 07/30/2008,waxaa ay si xarrago leh ugu guulaysteen koobkii kubadda koleyga ee xagaaga oo labadii toddobaad aynu ka soo gudubnay si xiiso iyo xammaasad badan uga socday garoonka kubadda koleyga Rinkbey ee Sweden,Iyaga oo ku adkaaday 74 dhibcood.
Tartankan isaga ah ayaa soo billowday 07/22/2008,waxaana ku tartamayay afar kooxood oo kala ahaa: Sweden, Uk, Finland iyo Denmark. Guud ahaanba dhallinyaradii ka qaybgashay cayaarahaasi waxaa ay soo bandhigeen ciyaaro aad loo jeclaystay oo ku dhisnayd xirfad iyo aqoon ad u heer sarreysay. Waxaana daawashada cayaarahaasi habeen kastaa soo camirayay dadweyne aad u faro badan oo taageerayay kooxihii halkaasi ku hardamayay.
Haddii an faallo gaaban ka bixiyo labadan kooxood ee iskugu soo haray Finalka waxaa ay ka soo adkaadeen kooxaha finland iyo Denmark . Cayaartoodii oo ay dad badani sugayeen ayaa ku bilaabatay si adag,waxaana labada kooxoodba aad moodaysay in awooddoodu ay aad isugu dhaweyd oo marba koox hoggaanka loo hayay,waxaana qaybtii hore ay ku soo gabagabowday 30 dhibcood oo ay hoggaanka ku haysay kooxda London ,halka kooxda Sweden ay ka lahayd 18 dhibcood.
Qaybtii labaad oo koox kastaa ay la soo tashatay tababarayaashoodii ayaa ciyaartii dib laysugu soo noqday,waxaana koox kastaa ay wax ka badashay qaab ciyaareedkooda, iyadoo ay noqotay in kooxda Sweden hoggaanka loo qabto. Aakhiritaankiina ciyaartii waxaa ay ku soo gabagabowday kooxda London oo 74 dhibcood ay guushii ku raacday ,halka kooxda Sweden ay ka keensadeen 62 dhibcood.
In kasta oo ay dhammaantoodba ciyaaryahannad ay muujiyeen ciyaar wanaag ,haddana Ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa habeenkaasi waxaa ka mid ahaa dhinaca London: Husein oo sitay numbarka 10aad, Numbarka 4 Jamaal, Numbarka 14 Abdul , Numbarka 9 Amiin Maxamed, iyo numbarka 8aad Xamsa. Dhinaca Sweden waxaa iyaguna ciyaar wanaag muujiyay: No 8 aad Ghadir, Numbarka 13 Be, Numbarka 5aad Samna, Numbarka 6aad Alex,iyo numbarka 11aad MJ.
Ciyaarahaasi waxaa guud ahaanba garsoorayay muddaii ay socotay garsoore Axmed Maxamed Saalah(Diinaash)iyo ciyaaryahankii heerka 1aad ee naadiga Waxool Cabdullahi Cilmi (Cabdullahi wardhiigley).Waxaana caawinayay C/rashiid doob,C/casiis low,Rashiid Doob iyo Ibraahim Jeeri.
Waxaa iyaduna xusid mudan in muddadii cayaaraha ay socdeen uu halkaasi goob joog ka ahaa ciyaaryahankii caanka ahaa ee orodada Jaamac Karaaciin iyo kooxda uu macallinka u yahay ee reer Suudaan oo iyagu ka qayb galaya ciyaaraha Olymbikada oo ka dhacaya Beijing,China,kuwaasi oo kala ahaa;
Abuubakar Hamisi Kaki World Champion 800 mitir Carabta iyo Afrika aan laga adkaan
Saciid Hassan Axmed 1500 Mitir oo ka socda USA
Nawaal Eljack 400 M world Champion Carabta iyo Afrika
Munaasabaddii xiritaanka waxaa iyaguna goob joog ka ahaa guddoomiyaha guddiga isboortiga xagaaga Sweden Mudane Xamdi Sheekh Axmed iyo guddigiisa Isboortiga , mas,uuliyiin isboorti, iyo cayaaryahannadii hore qaarkood oo aan ka xusi karno:C/qaadir Isoo mareey, Xoghayaha olimbikada Soomaaliyeed C/llahi Tarabi,Macalli Ibraahim suudaani,Macallin Giftin,Macallin Xasan Geela,Fannaan Ali Abdulle Guure,Khaliif Riiko,yuusuf Shaqaaq,Rashiid Doob,Bashiir Jeenyo,Axmed Nuur (Sayga ruushka),C/qaadir Shiikha,C/llahi Xaaji Ereg(Xaaji),C/qaadir Madaxey,C/qani jeenyo,C/rashiid Doob,C/casiis Loow,Maxamed Mukhtaar, Ganey oo ka mid ahaa garsooyaashii hore ee cayaaraha Handball, Maryan Ciise Cabdi iyo Jawaahir nuur Hussein Abdi oo uu dhalay aabihii Isboortiga Soomaaliyeed allaha u Naxariistee Nuur Xuseen .
Waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Isboortiga xagaaga ee Sweden oo u mahadceliyay labada urur ee SKIF iyo SSUF oo iyagu sannadkan cayaaraha qabanqaabiyay iyo intii gacanta ka gaysatay intaba.waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay rag badan oo ay ka mid ahaayeen: Axmed Hassan ,Agaasimaha ururka SSUF, C/qaadir Shiikha iyo C/qaadir Madaxey ciyaaryahannadii qaranka ee kubadda koleyga . Sahro Barkhadle Guddoomiyaha ururka haweenka Xaawo Taako ee Sweden ,C/qani jeenyo Guddoomiyaha ururka New Generation , Jaamac Karaaciin Halyeygii hore ee ciyaaraha fudud Soomaaliya oo haatanna ah tababaraha ciyaaraha fudud ee dalka Suudaan iyo xoghayaha olimbikada Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi,waxaana giddigoodba ay ka wada hadleen baahida loo qabo in la soo saaro jiil cusub oo soomaaliyeed oo dhanka isboortiga sare u qaada. Waxaana ay mahadcelin ballaaran u soo jeediyeen guddigii qabanqaabada tartanka oo iyagu waqti badan u huray inuu taabo gal noqdo barnaamijkan isaga ah.
Intaasi dabadeed waxaa halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii ay kooxuhu kala heleen oo loo kala helay sidan:
Kaalinta 1aad ee Kubadda Koleyga Kooxda London
Kaalinta 2aad ee kubadda koleyga Kooxda Sweden
Jamaal (London) Ciyaaryahankii ugu dhibcaha badnaa intuu socday tartanka
Mohamed (Sweden) Sportsmanship
Hussein Osman (London) Ciyaartooygii ugu wanaagsanaa tartanka (MVP)
Garsoorayaashii cayaaraha Axmed Diinaash iyo C/llahi wardhiigley oo la siiyay koobab & shahaadooyin
Garsooyaashii Miiska: C/rashiid doob,C/casiis Loow iyo Ibraahim Jeeri oo la guddoonsiiyay shahaadooyin
Marti sharaftii dibadaha ka timid sida: Shiikha,Madaxey,C/rashiid Doob ,C/qani jeenyo iyo Xaawo Taako oo shahaadooyin la guddoonsiiyay.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|