|

Spain oo la hoyatay koobkii ay sugeysay 44 sano ee tartanka Qaarada Yurub 2008
VIENNA, Austria (AP)— Spain ayaa la hoyatay koobkii ugu horeyay ee tartanka qaarada yurub kaasoo ay sugeysay mudo 44 sano ah iney qaadato, markii ay dalka Germany ay 1-0 kaga adkaatay markii ay iskaga hor yimaadeen xalay finalaha tartanka European Championship,

faraxda dalka Spain waxaa lahaa xidiga kooxda Liverpool Fernando Torres oo daqiiqadii 33 aad goalka ay koobka ku hanteen u dhaliyay. Wuxuuna Koobaani Spain u noqnayaa kii labaad oo ay qaataan marka laga yimaado kii 1964 ee Euros.

Markii ninka isku heysta captain iyo Spain goalkeeper Iker Casillas uu la gudoonsiiyay koobkii ay mudad faraha badan sugayeen uu kor u qaaday, ayaa taageerayaasha dalka Spanish waxey bilaabeyn iney ku heysaan heesta astaanta u ah dalkaasi.
Macalinka Spain oo 69-sano jir ah Luis Aragones ayaa xalay noqday macalinka ugu dad weynaa eek u guuleysta tartanka European Championship.wuxuuna Aragones, kulankaan u yahay kii ugu danbeeyay ee xulkiisa.

Germany ayaa xalay garoonka iskaga dareeray markii ay ku hungoobeen iney qaataan koobkii 4-aad ee yurub iyagoo horey u qaatay mudo 3-mar ah sidoo kale Germalku wuxuu heytaa 3-koob oo World Cups ah , Spain wuxuu noqonayaa dalkii labaad ee koobkaan 2-mar ku guuleysta sidoo kale France ayaa tartankaan sidoo kale 2-mat heysta as Euros champion.

Germany goalkeeper Jens Lehmann,ayaa isgaan wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu dada weynaa ee tartankaan ciyaara isagoo dadiisu ay aheyd 38 sano jir, ayaa qeyliyay markii goalka laga dhaliyay iyadoo qaladkaasi uu alahaa defender Philipp Lahm. Markii Torres uu kubad xirfideysan ka dul qaaday.
Spain waligiis ma imaan tartanka World Cup final halka 3 mar marka kii xalay lagu daro uu yimid Euros final, 1964 wuu qaatay halka uu qadaaro kala kulmay France in 1984.

Spain waxey qiimeynta FIFA ee aduunka kaga jirtaa kaalinta 4-aad halka dalka Germany uu qiimeynta aduunka ee FIFA kaga jiro kaalinta 5-aad.
Daawashad ciyaarta waxaa soo ka soo qeyb galay boqorka iyo boqorada dalka spain *Spain's King Juan Carlos and Queen Sofia*, waxaa kale oo googay haweynadeyda raisula wasaraha ka ah dalka Germany kan dalka Spain Gudoomiyah FIFA iyo marti kale ooaad u fara badan.
Sidii Looga Kala Guuleysay Tartanka European Championships winners
VIENNA, Austria (Reuters) – iyadoo spain ay qaadatay koobkii 13-aad ee tartanka European Championships kaasoo lagu soo afjaray garoonka Ernst Happel stadium, ee Vienna tartanka Euro 2008 ayaa halkaan waxaan idin kugu soo gudbin doonaa sidii looga kala guuleysatay tartnkaan .
1960 Soviet Union
1964 Spain
1968 Italy
1972 West Germany
1976 Czechoslovakia
1980 West Germany
1984 France
1988 Netherlands
1992 Denmark
1996 Germany
2000 France
2004 Greece
2008 Spain
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar |