Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Stockholm ee dalkan Sweden tartankii Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad 2008 oo labadii usbuuc ee aanu soo gudubnay ka socday magaaladaasi ayadoo ay cayaartii kama dambaysta ahaydna ay kooxaha Nabadda iyo Götenberg isaga hor yimaadeen.

Cayaartan oo bilaabatay Shantii galabnimo ayey labada kooxood u ekaayeen kuwa ayagu si aad ah u feejignaa isla markaana ay koox waliba cududeeda iyo awoodooda isugu gaynaysay dhinaca daafaca iyo  Hujuunka xirfada u gaar ah taasoo keentay in cayaartii waqtigii loogu talay ay ku soo idlaato barbardhac 3-3 ah.Waxaa sidii caadadu ahayd lagu daray 30 daqiiqo si loogu kala saaro kooxahan maadaama ay cayaartani ahayd tii kama dambaysta ahayd waxaana intii lagu guda jiray xiligaasi dheeriga ah u suura gashay kooxda Nabadda in ay helaan goolkii 4aad ayadoo lagu jiro 15 daqiiqo oo ugu horysay,15daqiiqo ee ugu danbeysay ayay heshay goolkii 4aad kooxda Götenberg ayadoo saacdu ka dhimantahay labo daqiiqi,Cayaartu waxay ku dhamaatay 4-4 waxaa loo dhigay Rigoorayaal lagu kala saaray maadaama Cayaartu tahay Final,waxaa koox waliba tuuratay shantii rigoore,kooxda Nabadda waxay dhalisay 4 gool halna waa lumisay, kooxda Götenberg waxay dhalisay 3 sedex gool waxay lumisay 2 gool, sidaas ayay guushii ku raacday kooxda Nabadda oo ku guuleysatay koobkii Cayaaraha Xagaaga ee Heerka 1aad 2008.

Sidii caadada u ahayd waxaa cayaarta ka dib shalay la bixiyay Hadiyadihii iyo Biladihii taasoo ay ka soo qaybgaleen dhamaan maamuladii iyo cayaartoydii kooxaha, madax ka socotay Xisbiga wadanka u taliyo ee Sweden haweyneyda la yiraahdo Shaashtin, qaar ka mid ah cayaartoydii magaca ku lahaa dalkeena oo ka kala yimid daafaha dunida iyo martisharaf kale oo fara badan.Waxaa hadalo mahadnaq iyo soo dhawaynba isugu jiray ka soo jeediyey guddigii qabanqaabada ee tartankan Cayaaraha Xagaaga ee Heerka 1aad Waxaa hadalkii furay Xoghayaha Tartanka Maxamed Muuse (Jabsos) asagoo marwaliba barlaamijka Xiriirinaayay.

Ka dibna ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha tartanka Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad Xamdi Sheikh Axmed asagoo halkaas ka soo jeediyay khudbad aad u qiimo badan walow ay maalintaan ay eheed maalin aad u roob badneed asagoo uga mahadceliyey dhamaan ka soo qaybgalayashii tartankan sidii dadaalka iyo asluubta lahayd ee ay ku dhamaysteen mudadii uu socday tartanku kulana dardaarmay in ay isku diyaariyaan tartanka soo socda ee 2009 ka ka dib waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha Ururka SSUF Axmed Xasan ugana war bixiyay waxqabadkii ururka  iyo sida ay u wada shaqeeyaan labada urur oo Cayaarahaan qabtay,ka dib waxaa ka hadlay maxadxdii hore ee wasaaradii ispoortiga A/qaadir esoomarey,waxaa ayagana halkaas ka hadleen,Axmed Nuur (seyga) Sheikha,Gudoomiyaha ururka Haweenka Swewden Sahra Barqadle,Xiddibaan Cabdi Dheeg,cali Garaash,Gudoomiyaha Ururka Diyaasbaraha Yurub Maxamed Macallin oo halkaas ka soo jeediyay sidii ay u dhaceen Cayaarihii Diyaasbarada ee lagu qabtay wadanka Djabuuti,asagoo kula dardaarmay in loo guntado sidii Cayaaraha loo hurmarin lahaa loona diyaarin lahaa Cayaartoy tayo leh oo mustaqbalka wadankeena anficidoona, loona  diyaar garoobo Cayaaraha mustaqbalka la qabanaayo.

Intaasi ka dib ayaa waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyey Bilado Shahaado sharafyo isugu jiray kuwa lagu mutaystay taageero iyo waxqabadba shaqsiyaad fara badan oo isugu jiray madaxda iyo guddiyadii kala gedisanaa ee qeyb weyn ka qaatay qabsoomida Cayaarahaas iyo warfidiyeeno kala gedisan iyo waliba shaqsiyaad ku mutaystay dadaal iyo taageerada ay u muujiyeen dhalinyaradan soomaaliyeed.Waxaa sidoo kale bilado aan la soo koobi karin lagu guddoonsiiyey cayaartoydii bilaawday cayaarahaan oo cuslaadeen iyo odayaashii ugu horeeyay ee qabanqaabiyeen Cayaartaan,waxaa kaloo bilado la siiyay Caayaartoygii ugu wanaagsanaa oo noqday Yuusuf oo u Cayaarayay Kooxda Nabadda,waxaa gudoonsiiyay Dr:Yuusuf Shaqaaq, Goolhayihii ugu wanaagsanaa,tababarihii ugu wanaagsanaa kooxdii ugu fiicneed adaabta,Cayaaryahankii ugu hareeyay ee tartankaan goolkii ugu horeeyay dhaliyay,waxaa kala bixiyeen mudanayaasha kala ah, Khaliif Riiko,Macallin Giftin,Cadde,Sheikha,Madaxey,Rashiid doob,Cali garaasg,Bashiir Jeenyo,Sahro Barqadle,Shhaashtiin,Axamed Xasan,Gabadha Marxuun Nuur Xuseen (Jawaahir Nuur),

Xafladdan oo aanana halkan ku soo koobi karin waxyaabihii ka dhacay Shalay ayaa gabagabadii lagu guddoonsiiyey kooxihii kaalimaha labaad Kooxda Götonberg oo koobka gacantiisa lagu hubsan kabtanka kooxda Götenberg  Yariisow kolkaasoo uu sawaxan iyo sacab fara badani isku qabsaday Garoonka lagu Cayaarayay,waxaa gudoonsiiyay Mr: esoomarey,hadaba waxaa kaalinta 1aad galay Kooxda Nabadda oo la gudoonsiiyay kooxkii loogu Magac daray Aabihii ispoortiga Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo),wuxuu ahaa Koob aad u weyn una qurux badan,waxaa gudoonsiiyay Macallinkii weynaa ee Kooxda Horseed iyo Qaranka soomaaliyeed Ibraahim Suudaane,waxaa goroonkii isqabsaday sacab iyo sarwaxan farxad ku dheehantahay,Waxaa kaloo lagu dhexwaday intii ay Cayaaraha socdeen tartan ay cayaarayaan odayaal loona dhigay koob aad u qurux badan waxaa ku guuleystay kooxda UK London,Waxaa la gudoonsiiyay kabtanka kooxda Big Brathers Elmi Waabare,markii ay ka badiyeen kooxda odayaasha Sweden.

 Waxaa intii ay Cayaaraha Socdeen Dadweynaha bilaaw ilaa dhamaad Maaweelenaayay Fanaaniinta Waaweyn,oo ey ka mid yihiin Xabiib Sharaabi,Fanaanada weyn Raxmo Ruuxi,Super Khaalid,Kalimow,Jeeri,A/risaaq Alteeso,Maalintaan oo eheed Maalin Roob Badan Da aayay hadana Fanaaniintu iyo Dadweynahaba waa u adkeysteen oo marna lagama cararin roobk taa waxaa kaaga daliil ah sida dadweynaha ay Cayaaraha u jecelyihiin,wuxuu ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo cemilo roob,Waxaa loo Mahadceliyay Bilado la gudoonsiiyay Wabsetyada kala ah Cayaarahaswedan,Goolka,Somali Youth,Jowhar,Unaversal TV,Cayaaraha.com.

Waxaa kaloo loo Mahadceliyay Biladna la siiyay Shaqsiyaad aad ula shaqeeyay Gudiga Cayaaraha Xagaaga qabsoomidooda sida Maxamed Shukri oo ah shaqsi aad u dadaal badan jecelna hurumarinta Cayaaraha kuna Bixiyay Maalkiisa iyo Wakhtigiisa.

Mar aan Wareysanay Gudoomiye Islaaw Kooxda Nabadda kuna guuleysatay koobka sanadkaan 2008 in uu yiri waxaa u soo galnay dadaal dheeraad ah anagoo siinay wakhti badan kuna bixinay dhaqaalo farabadan sidii aan u qaadi laheen koobka sanadkaan,waana ku guuleysanay dadaalkeena. 

 

KOOXDA KOOBKA KU GUULEYSATAY               Xohayaha oo Furay Khudbadaha Xiriirinaayay

Gudoomiyaya Khudbadii Xiritaanka soo jeediyay             Garsoorayaashii Cayaarta Dhexdhexaadinaayay

Dadweynihii Cayaarta Daawanaayay

Fanaanka weyn Jeeri oo halkaas ka heesay                          Martidii oo Cayaaraha Daawaneyso

       Markii uu Roobka Bilaawday

                                              Fanaanka Weyn Xabiib Sharaabi

         Kooxda Denmark                                                       Kooxda Banaadir

 Kooxda Shugar Team                                                                 Kooxda Götenberg

Koobkii Kaalinta Labaad oo Götenberg La Gudoonsiiyay

       Koobkii Kaalinta 1aad oo La gudoonsiiyay Kooxda Nabadda uu Gudoonsiiyay Macallin Ibraahim Sudani

                  Kooxda Nabadda oo u Dabaaldageyso Farxadii Koobka 2008

       Macallin Ibraahim Suudaani                                                           Dr: Yuusuf Shaqaaq

         Waxaan mar Dhaw idiin soo Gudbindoonaa Labadaa Xiddig Taariikhdooda oo Kooban

Waxaan ka Cudurdaaraneynaa Hadii ay Sawiraha Xunyiohiin in aad naga raali noqotaan Roobka oo nahalay awgees

waxaan Balan qaadeynaa in aan idinla socodsiin doono meel waliba ay Cayaaraha ka dhacaayaan dunida dacaladeeda.

 

                                          Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh