|
Koobka horumarinta isbortiga Galmudug

Tartan loogu magac daray horumarinta isbortiga degmooyinka caasimada galmudug oo isugu jiray siminaar iyo tartan kubadda cagta ayaa dhowaan ka bilawday caasimada galmudug ee Galkacyo, Gudoomiyaha gudiga olombikada ee Galmudug mudane Cabdulqadir Xasan Cawale ayaa dhowaan ka furay casimada Galmudug ee Galkacyo siminaar iyo tartan kubadda cagta ah oo ku saabsan faaidada isbortiga iyo sidii loo horumarin lahaa guud ahaan isortiga Galmudug State, , siminaarkan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayna ugu horeeyaan masúuliyiinta dowlada goboledka Galmudug ayaa waxa uu ka dhacay hotel Embassy.
Furitaanka barnaamijka ayaa waxaa furay mudane Cabdulqadir Xasan Cawale oo loo yaqaan Cabdulqadir Gos oo ah gudoomiyaha gudiga olombikaa ee Galmudug state , mudane Cabdulqadir Gos waxa uu ugu horeyntii u mahad celiyey dhamaan kasoo qeybgalayaasha kulankan oo muhiim u ah horumarinta isbortiga galmudug iyo laba jaaliyadood ee degan Sweden oo ka qeybqaatay sidii uu u hirgali lahaa barnaamijkan kuwaas oo kala ah ururka isbortiga Benadir IF iyo ururka Galmudug Riksförbund oo labaduba ka dhisan yihiin magaalada Stockholm, intaa kadib Cabdulqadir gos waxa uu ka hadlay ujeedada kulanka oo ahaa in laga munaaqishoodo sida ugu wanagsan ee loo horumarin karo isbortiga Galmudug iyo sidii si wadjir ah la isulu shaqeyn lahaa, waxaa lagu casumay barnaamijkaan 50 qofood oo ka kala socday qeybaha kala duwa ee bulshada sida masúuliyiinta dowlada goboleedka galmudug state oo kala ah wasiro iyo xildhibaano, masúuliyiinta gobolka, masúuliyiinta degmooyinka Galkacyo,ururada bulshada, ururka hawenka ama gabdhaha, ururada dhalinyarada, ururada isbortiga, tababarayaal garsoorayaal iyo odoyaasha dhaqanka waxaa kasoo qeyb galay 38 ka mid ah dadkii la casumay iyadoo intii maqneyd ay qadka taleefanka uga qeybgaleen dooda barnaamijka. Iyadoo aan halkan kusoo koobi karin dadkii ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa,

- wasiirka warfaafinta Abshir Maxamed Aadan.wasiir ku xigeenka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Cilmi Kulan Geedi.
- Xilibaan Xasan Cawaale Jimcaale.
- Duqa magaalada gaalkacyo ee maamulka galmudug Mudane Siciis Salaad Cilmi (siciid Bulbul).
- Nabadoon Muxyadiin Shiikh Maxamuud.
- gudoomiayaha daladda dhalinyarada badbaado Axmed Cumar Maxamuud (Shariifka0.
- Gudoomiyaha ardayda galmudug C/fataax Axmed Barre.
- gudoomiayaha haweenka galmudug Xabiibo Koofuroow.(oo khadka taleefanka uga qeybqaadatay).
- gudoomiyaha gabdhaha galmudug Aamino Macalin C/laahi.
dhalinyarada sportiga kala duwan sida garsoorayaasha k/cagta iyo macalimiinta k/cagt iyo maamulka k/cagta.
Dhamaan dadkii barnaamijka ka hadlay ayaa dhamaantood ka hadleen sida ay lama huraan u tahay in la hormariyo isbortiga gobolka, guud ahaan fikradaha markii lasoo koobay ayaa waxa la isla gartay in.
hoos riix si aad u daawato sawirada oo dhan http://picasaweb.google.se/benadir/GalmudugSports#

In la dayactiro garoonka kubadda cagta cabdulahi ciise isla markaana lagu kordhiyo garoon cusub oo lagu cayaari karo kubada koleyga, laliska, kubada gacanta iyo futsalka si ay uga faaideystaan iskuulada gobolka. In la qalabeeyo naadiyadda heerka 1aad ee galmudug oo kala ah: : 1. SYL. 2. MSF.3. DAWLADDA HOOSE. 4.CARAFAAT. 5.DALSAN. 6.MUDUG SECONDARY. 7.C/LAAHI CIISE. 8.MIDNIMO. In la qalabeeyo kooxaha degmooyinka galmudug. .in loo baahan yahay waxbarasho xagga maamulka,garsoorayaasha iyo tababaraayasha in isbortiga iskuulada la horumariyo loona qabta tartamo caruurta iyo dhalinyarada.
Intaa ka dib ayaa waxaa kulankii soo gabagabeeyey Duqa magaalada gaalkacyo ee maamulka galmudug Mudane Siciid Salaad Cilmi (siciid Bulbul). Waxa uuna ugu baaqay dhamaan jaaliyadaha galmudug ee ku nool qurbaha in ay ka qeyb qaataan sidii loo horumarin lahaa isbortiga dowlad goboleedka galmudug. Intaa ka dib ayaa waxaa maalinkii labaad bilawday tartan ay ku loolamayeen 4 kooxood oo ka tirsan 4ta degmo ee caasimada galmudug ee galkacyo oo kala ah: 1. Degmada Carafaat 2. Degmada Dalsan 3. Degmada Waabari 4. Degmada Calanleey.
Tartankaan oo ah mid iswada arag ayaa lagu wadaa inuu soo gabagaboobo maalinta jimcaha 30ka abril 2010 haduu alla idmo.
Abdulkadir xasan cawale Galmudug state Somalia
|