BAHDA REER SWEDEN OO CASHO SHARAF SAGOOTIN AH U SAMAYSAY CIYAARYAHAN SHIIKHA

Habeenimadii Khamiista taariikhdu ahayd 09/10/2008, waxaa  makhaayadda HINDIDA ee ku taalo Centerka Magaalada Stockholm ayaa casho sharaf sagootin ah loogu sameeyay ciyaaryahankii  qaranka  Soomaaliyeed ee kubadda koleyga  C/qaadir Xaaji  Daahir (Shiikha) oo isagu baryahanba ku sugnaa magaalada Stockholm ee dalka SWEDEN asagoo ka mid ahaa marti sharaftii horay loogu martiqaaday Cayaarihii Xagaaga ee heerka 1aad ,ka dibna u gudbay tartankii lagu qabtay london ee K/Kolayga .Casho sharaftaasi ayaa waxaa soo qabanqaabiyay  Ururka SSUF asagoo wada shaqeyn ay ka dhaxeyso Ururka Tabanjirsaday ee hadwaliba qabanjiray Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad.                                    

Waxaa ugu horreyntii halkaasi ka hadlay oo hadalka Furay Garsoore Caalame Maxamed Mukhtaar Sheikh oo ka warbixuiyay Sheikha sidii uu u Cayaarijiray iyo Tartamadii Caalamiga ahaa uu ka qeybgalay Halyaygaas aagoo ku hadlaayo odayaasha degen Stockholm wuxuu soo dhaweyay ama sagootiyay Cayaaryahan Sheikha wuxuu ugu baaqay bahada ispoortiga oo kala joogta dunida dacaladeeda   ka qayb qaadashada hawlaha horumarinta isboortiga  ee ka socda dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
 

   Ka dib waxaa hadalkii qaatay Xaghayihii Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad Maxamed Muuse (Jabroos)  oo halkaas ka soo jeediyay sagootin iyo warbixin sidii ay u dhaceen Cayaarihii la qabtay ,waxaa ka kaloo hadlay Gudoomiyihii Cayaataha Xagaaga ee dhawaan dhamaaday Xamdi Sheikh Axmed oo amaan gaar ah u soo jeediyay Sheikha asagoo ku tilmaamay in uu yahay sheikha shaqsi aad u bisil mudana in lagu daydo .waxaa ka dib la wareegay hadalkii Agaasimaha URURKA SSUF AXMED HASAN  oo ayaga Cashadaas Sagootinta ah si fiican u soo agaasimay,wuxuu agaasimaha ka hadlay dhicyo badan Xaga waxbarashada iyo siminaarada oo la rabo in loo qabto Ubadka soo koraayo wakhtiyada ay fasaxa ku jiraan,wuxuu kaloo ku dheeraaday dhenaca nabadgalyada oo la rabo in lagu dadaalo wakhtiyada fasax.

waxaa ka loo ayagana ka hadlay  halkaas mudanayaasha  kala ah Boos Caato,ibraahim Galbeyti,Ciid Arsinal,Xasan Geela,Abuukar Dhabarey,yoonis Galbeyti,Madaxey,jeeri,iyo Fanaanka Weyn ee reer Sweden Supper Khaalid oo halkaas ka soo jeediyay ereyo sagootin iyo amaan gaar ah uu u jeediyay Sheikha.

ka dib waxaa hadalkii qaatay Cayaaryahanka Weyn ee Qaranka C/qaadir Xaaji Daahir Sheikha oo ka Mahadceliyay sidii Farxada leheed ee loo soo dhaweeyay asagoo sheegay in ay ka goi-     doonin niyadiisa soo dhaweynta iyo  sagootinta loo sameeyay waa wax xageyga taariikhi ah oo aan iloowe doonin,waxaa ka loo idinku amaanayaa Tanasulkii aad suubiseen oo ah  mid ku dayasho mudan, Xafladaas waxay ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo Farxad ku dheehneed.

      Gudoomiye Xamdi oo Sheikha Gudoonsiinayo Hadiyada Qaali ah

  

  

          Agaasimaha Ururka SSUF oo ka Hadlay Munaasibadaas      Sagootinta ah

             Boos Caato oo Hadiyad Qaali ah Gudoonsiinayo Sheikha

Fanaanka Weyn ee Reer Sweden Supper Khaali oo halkaas ka jeediyay erayo Sagootin ah

               Sheikha oo Halkaas Ka jeediyay Erayo Mahadcelin ah

 

Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh

 


© copyright 2008 Cayaaraha Sweden

Back

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


© copyright 2008 Cayaaraha Sweden

Back