Muqdisho ,Shugar team iyo Kooxda Holland oo Afka Ciida loo Galiyay Cayaarahoodii ugu horeeyay.

 Tartankan Maanta oo dhex maray labada kooxood ee lagu kala magacaabo Banaadi VS Muqdisho, ayaa labada kooxood waxa ay kusoo bandhigeen ciyaaro aad u xiiso geliyay daawadayaashii ciyaartaasi, waxaana kaambiyadii hore ee ciyaarta ay ku dhammaatay kooxda Banaadir oo iyadu ku hor martay goolkii ugu horeeyay Banaadir 1-0 Muqdisho,Banaadir oo diiday inay bareejeeyaan, hase yeeshee kaambiyadii dambe ayaa ciyaarta waxay noqotay mid xamaasadeedu aad u sarreyso,Muqdisho ayaa dhalisay gool Caato ah,ka dib Banaadir oo awood isbiday ayaa si darandoore ah u dhalisay 4 gool oo is xiga Cayaartaas Waxay ku dhamaatay Banaadir 5 VS  Muqdisho 1.

Cayaartii Labaad Waxay dhexmartay Labada kooxood oo kala ah Finland VS Shugar Team Cayaartaa oo noqonin sidii loo maleynayay madaama Shugar Team aad looga awood roonaa Cayaartaas,Kooxda Finland oo ku soo gashay dardar kulul waxay halkaas ku dhalisay 5 gool oo is xiga Shuga Team oo laga itaal roonaaday waxay cayaartaas ku dhamaatay  Finland 5  VS Shugar Team 0.

     Kooxda Holland

       Kooxda Järfa Club

                Kooxda Finland

Waxaa Cayaar aad u kulul dhexmartay Labada Kooxood Jeenyo iyo Horseed Labadaas koox waxay soo bandhigeen Cayaar aad u heer sareyso Farsamadeeduna aad u wanaagsaneed, waxaa weerar iyo weerar Celis laisku haayaba Cayaartu waxay ku dhamaatay Kooxda Jeeno oo guushii raacday dhalisay hal gool.Jeenyo 1 VS Horseed 0.

Kooxda Jeenyo

Cayaarta Kulul ayay dhexmartay labada kooxood  oo kala ah Järfa glub VS Holland  daqiiqado dhowr ah kaddib kooxda Järfa club waxay shabaqada kooxda Horseed dhaafisay kubaddii, sidaasna ay ku hormartay goolkii iyadoo goolkaa la  hor maray markii hore, waxaana kooxda Horseed Bareejeeyeen ay la soo baxday dardar ciyaareed aan hore loo arag, taasoo u suurtagelisay in iyadoo xilliga ciyaarta Bareejo noqoto , Kooxda Järfa oo soo bandhigtay Cayaar sareyso oo aad u kulu waxaa u suurta galay in ay si darandoore ah u dhaliyaan sedex gool sidaasna ay kaga badiyeen kooxdaasi, iyadoo ciyaarta ku soo gabagaboday 3-1 oo guusha ay ku raacday kooxda Järfa Club oo ah koox Cadaan ah oo sanadkaan cayaaraha ka qeyb galayaan ayadoo dadweynihii Cayaartaas Fiirsanaayeen ay aad ugu riyaaqeen kooxdas Swedhishka ah.

 

 

Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh