
Xafladii Xiritaanka Koobka Janaraal Daauud ee K/Kolayga
Xaflad lagu bixinayo koobabkii janaraal daauud oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay garoonka exluujino ayaa ka dhacday hotel jida iyo dhamaan Cayaareihii dhacay Sawiradooda ayaan idiin soo gudbineynaa ,Waxaan ka cudur daaraneynaa anagoon helin sawiradii Xaflada dib ayaan udiinka soo gudbeneynaa hadii ilaah yiraahdo.
















Xafladaas oo ay si weyn u soo agaasimeen xiriirka soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa waxay ka dhacday hotelka jidah ee magaalada muqdisho iyadoo xafladaani lagu bixinayay koobab kaani ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah gudoomiyayaasha xiriirada kala duwan ee ka jira magaalada muqdisho.
Xafladaani furitaankeeda ayaa waxaa kahadlay gudoomiye kuxigeenka xiriirka soomaaliyeed ee kubada kolayaga Ibraahiin xuseen roombe iyadoo halkaasi uu amaan balaran ugasoo jeediyay kooxihii kaqaybgalay koobkaasi xili uu sheegay inay kazoo baxeen waajibkoodii laga rabay.
Waxaana xafladaasi lagu bixiyay koobab shahaadooyin iyo bilado kaladuwan waxaana gaba gabadii xafladaasi kahadlay Gudoomiyaha Gudiga Olombica soomaaliyee Abduqaadir ibraahin gacal (abkow) waxa uuna u mahad celiyey xiriirka soomaaliyeed ee kubada kolayga sida habsamida leh uu u shaqaynayo waxa uuna u sheegay inay sii wataan shaqdooda. Waxana xafladii kusoo idlaatay jawi aad uwanaagsan oo aad loo jecleystay,waxaana jaaliyadaha dibada loo sheegayaa in qeyb libaaxleh ka qaataan hurumarinta K/Kolayga Soomaaliyeed.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
Nagala soo Xariira Emailka Cayaarahasweden@hotmail.com
|