MUGDSHO, CIYAARO- Ciyaaryahankii kooxdii k/kolleyga naadigii LLPP Jeenyo C/qani C/llaahi Hilowle ( C/qani jeenyo) ayaa sheegey in Sportigu keeni karo Nabad ka dhalata dalka soomaliya hadii ay garab siiyaan ganacsatadda soomaliyeed,

C/qani jeenyo oo isaga oo jooga England qadka isgaarsiinta iigu waramayey ayaa ugu horeyntii ka warbixiyey taariikhdiisii sportiga isaga oo xusey in markii ugu horeysey uu ciyaarta kubadda kolleyga ka bilaabey Xaafadda C/casiis isaga oo ka qeyb galey ciyaarihii dugsiyadda gobolka banaadir, ka dib waxaa uu nasiib u yeeshey inuu ka qeyb gallo ciyaarihii Degmooyinka isaga oo metelayey degmadiisa C/casiis.

Dalka waxaan ka tegey sanadkii 1988kii aniga oo xiligaasi ka mid ahaa xidigihii kooxda LL.pp jeenyo oo aan la qeybsadey guulo faro badan waxaana halkaasi igu garab qabtey ciyaartoydii iiga horeysey oo aan ka xusuusto Cabdi Xalwo- Baarajab, Maxamuud Ciise, Maxed faarax iyo kuwo kale ayuu yiri mr Jeenyo.

Mar aan weydiiyey markii uu tagey dibadda hadii uu halkaasi ka bilaabey ciyaarta kubadda kolleyga ayaa waxaa uu iigu jawaabay “Haa waan ciyaaray waxaan u ciyaarney koox heerka koowad ahayd oo sweden ka dhisneyd waxaana igu wehliyey Ducaalle islow, iyo walaalkey MJ”

Markii aan tagey dibadda ma iloowin inaan sameeyo ciyaartoy mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda kolleyga waxaana aad ugu dadaaley inaan isku keeno ciyaartoyda Da’yarta ah ee somalia halkaasina waxaan ku asaasey urur la magac baxey Somali new generation Sports and culturall oo ay ku mideysnaayeen ciyaartoy Da’ walba leh waxaana ka qeyb galney 2 jeer tartamo ka dhacay magaalada Djaboute anaga oo meteleyna Diaspara ama qurba-joogta,ayuu sii raaciyey.

C/qani jeenyo ayaa hoosta ka xariiqey inuu jecelyahay inuu garab siiyo dhamaanba kooxaha k.kolleyga ee ka jira dalka isaga oo xusey in Naadiga Dekedaha uu geeyey Djibouti ciyaaro sxbtinimo la ciyaareen kooxaha Djibouti, dhowaana uu keeni doono dalkaasi ciyaartoydiisa Qurba-joogta si ay sanadkan uga qeyb galaan ciyaaraha Diaspara.

C/qani waxaa uu ka hadley kulamadii naxdinta iyo farxadda u lahaa intii uu u ka tirsanaa naadiga LLPP jeenyo waxaana uu xusey in kulankii ay la ciyaareen Manashiibiyo 1996/97 oo laga qaadey Koobkii Jeneraal Daud,uu ahaa kulankii ugu naxdinta badnaa, hayeeshee kama uusan tegin sanado ka dib kulankii ugu farxadda badnaa oo ay isku sanad Wiilasha iyo Gabdhaha Jeenyo ku wada guuleysteen Koobka Jeneraal-Daauud.

Waxaa Wareystey

C/Xafiid C/samad Zaciimka
zaciimka02@hotmail.com
+2521-5517722/25250-990500