Naadiga Isb. Dekedda Muqdisho oo qada sharaf u sameeyay President New Generation Sports and Culture C/Qani Jenyo
Maamulka Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho ayaa maanta qada sharaf u sameeyay President New Generation Sports and Culture Md. C/Qani C/llaahi (C/Qani Jenyo) oo dhowaan dalka ku soo laabtay, iyadoo sidoo kale soo dhoweynta mas’uulkaan ay ka qeyb qaateen Macallimiinta kooxaha naadiga Dekedda Muqdisho.
Guddoomiye K/Xigeenka Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho C/raxmaan Xuseen Cabdi (Kolly) iyo Xoghayaha Naadiga C/llaahi Bashiir Nuur (Kuwaataro) iyo macallimiinta kooxaha iyo President New Generation Sports and Culture Mr. C/Qani Jenyo ayaa ka wadahadlay horumarinta Isboortiga Soomaaliya.

Kulan qaatay muddo dhowr saacadood ah oo dhex maray madaxda Naasiga Isboortiga Dekedda Muqdisho iyo Guddoomiyaha Dhallinyarada Jiilka cusub ee Isboortiga iyo Dhaqanka, ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

“Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho oo ka mid ah naadiyada ugu waaweyn naadiyada dalka ka jira, runtii waxa uu ka qeyb qaatay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa, hase yeeshee duruufta adag ee dalka ka jirta ayaa noo saamixi weysay” ayuu yiri C/raxmaan Kolly oo sheegay in dadaalka Guddoomiyaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow ay ku timid horumarka uu naadigu tallaabsaday.


C/Qani C/llaahi ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta iyo qada sharafta maamulka Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho uu u sameeyay, waxa uuna sheegay in madaxda Naadiga Dekeddda Muqdisho ay iska kaashanayaan sidii kor loogu qaadi lahaa Isboortiga dalka Soomaaliya, taasi oo uu tilmaamay in arrimaha ugu muhiimsan ee uu dalka u yimid ay ka mid tahay tartamo Isboorti oo ka dhacaya dalalka deriska sida Jabuuti iyo Kenya kooxaha ka dhisan inay ciyaaro saaxibtinimo la yeeshaan kooxaha Isboortiga dalka Soomaaliya.
Xoghayaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho C/llaahi Bashiir Nuur (Kuwaataro) ayaa ka warbixiyay waxqabadka Naadiga, isagoona ku ammaanay C/Qani C/llaahi doorka firfircoon ee uu ka geysanayo horumarinta Isboortiga dalka, wuxuuna Xoghaye Kuwaataro ballanqaaday in naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagi doono C/Qani Jenyo.

Sidoo kale Macallimiinta Kooxaha K/Koleyga iyo Handball-ka Naadiga ayaa sheegay in dalka ay weli joogaan dhallinyaro hiwaayadoodu tahay Isboortiga qeybihiisa kala duwan, sidaasina daraadeedna rajo ka muujiyay haddii lagu taageero inay ka soo baxayaan jiil magic iyo sumcad weyn u horseeda Isboortiga Soomaaliya.
Dhinaca kale Mr. C/Qani C/llaahi oo ah Guddoomiyaha Dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka ayaa ka warbixiyay socdaallo uu ku maray dalalka Mareykanka, Yurub, Asiya iyo Afrika, isagoona sheegay inuu kulamo la yeeshay maamullada iyo kooxaha Isboortiga ee Soomaalida dalalkaasi ku nool.
Md. C/qani Jenyo waxaa kale oo uu sheegay in dalalkaasi uu kala qeyb galay tartamo Isboorti oo ay soo qabanqaabiyeen bahda Isboortiga Soomaalida qurba joogta ah, wuxuuna ammaan u jeediyay Guddoomiyaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow, madaxda, maamulka iyo macallimiinta, gaar ahaan horumarinta Isboortiga, isagoo ugu baaqay naadiyada kale ee dalka ka jira inay uga daydaan dadaallada Isboortiga lagu horumarinayo iyo bahda Muqdisho, GOS iyo xiriirrada hoos yimaada.