BAHDA ISBOORTIGA EE  MARAYKANKA OO KALSOONIDII KALA NOQOTAY URURKA SSIFO EE  KUBADDA KOLEYGA

 

Maalinimadii ay taariikhdu ku aadanayd 05 April/2009, waxaa xarunta ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota  (SYDOM),lagu qabtay shir ballaaran oo ay ka soo qayb-galeen xubnaha sare guddiga fulinta ee ururka.

Shirkaasi isaga ah ayaa lagu dhagaystay laguna falanqeeyay warbixino ay soo jeediyeen Macallimiinta qaranka ee dhawaanahan uu soo magacaabay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga  C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) iyo Axmed Daahir Axmed ,waxaana looga hadlay  arrimo faro badan oo ay ka mid ahaayeen:

.Ciyaarihii Diasporada ee lagu qabtay Jabuuti iyo natiijooyinkii ka soo baxay..U diyaargarowga ciyaaraha toddobaadka Soomaalida ee Minnesota (Somali

   National week).

.Casuumadaha u yaalla kooxaha Kubbadda koleyga ee Minnesota.

.Ururka SSIFO maamulkiisa  ku sugan Uk, iyo qaar ka tirsan xubnihiisa oo iyagu

   Marin habaabiyay hadafkii loo abuuray ururka oo ahaa  horumarinta kubadda

   Koleyga Soomaaliyeed.

Ugu Horrayntii waxaa halkaasi lagu dhagaystay warbixin dheer ay soo diyaariyeen macallimiintii xulka qaranka oo iyagu ka qayb galay ciyaarihii saaxiibtinimo ee ka dhacay dalkaasi Jabuuti kaasoo magaca ururka SYDOM ay uga qaybgaleen ciyaartooy ka socotay gobolka Minnesota oo iyagu casuumaad ka helay ururka Somali Diaspora ee ka dhisan London.

 Dahallinyaradii ka qayb gashay cayaarahaasi waxaa ay soo bandhigeen cayaaro xiiso badan oo aad u raalli galisay dadweynihii cayaarahaasi daawananay..Labo ciyaarood oo ay la yeesheen kooxda qaranka jabuuti iyo koox ka tirsanayd heerka 1aad, labadii cayaaroodba waa ay ku guulaysteen, waxaana loo soo jeediyay hambalyo ku aadan ciyaar wanaaggii ay soo jeediyeen.

Dhanka kale waxaa iyaduna ahayd  guul  aad u  wayn, iyadoo dhallinyaradii ka socotay gobolka Minnesota ay halkaasi ku soo arkaan dhaqanka reer jabuuti oo Soomaali ahaan ay aad isugu dhaw yihiin, wax wayna ay ka soo kororsadeen.

Toddobaadka cayaaraha soomaalida (Somali national week) oo nagu soo fool leh ayuu guddiga isla gartay in loo diyaargaroobo cayaarahaasi oo tartamo K/koleyga loo qabto caruurta da’doodu u dhaxayso 8 sano ilaa 16 sano.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay casuumaad tartan kubadda koleyga  oo ururka uga timid ururka la magac baxay SOMBAS Sweden,waxaana xubnihii guddiga ay go’aamiyeen in cayaarahaasi oo ka dhici doona Sweden inta u dhaxaysa  July 15keeda  ilaa 28 keeda   si midaysan looga qay-galo iyada oo laga jawaabayo casuumaddaasi qiimaha ay xambaarsan tahay.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi lagu lafa guray arrimaha ururka SSIFO iyo  aflagaadada aan loo meel dayin ee lagula kacay macallimiinta Cusub ee  xulka qaranka C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha), iyo Axmed Daahir Axmed iyada oo la adeegsaday qaabab aad u foolxun oo aan ku habboonayn asluubta isboortiga. Iyada oo ay ummadda Soomaaliyeed ka wada dharagsan tahay kaalintii macallinimo iyo xubinimadii xulalka qaranka ee cayaartoynimo oo ay dadkaasi ku lahaayeen horumarinta kubadda koleyga

Dood dheer ka dib waxaa la isla  go’aansaday in Ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (USA),gabi ahaanba uu kalsoonidii kala noqday   ururka SSIFO (Somali Sports International Friendship Organization),  oo ay ku midaysnaayeen ururada Europe, iyo North Amerika.

Waxaa kale oo uu ururka  horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (Somali Youth Development Organization In Minnesota, SYDOM)  uu isla go’aansaday:

1)    Taageeridda iyo Taakulaynta xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo kan Olimbikada.

2)    Horumarinta iyo sare u qaadida kubadda koleyga Soomaaliyeed gudaha iyo  Dibaddaba.

     3)Abuuritaanka cayaartooy d’a   yar oo mustaqbalka matasha dalkjii hooyo,

        taasoo ururka uu waligiiba ka shaqayn jiray, haatanna uu sii labolaabo

         soo saaridda jiilal cusub.

Bayaankan isaga ah waxaa ku saxiixnaa guddiga fulinta ee ururka oo kala ah:

 

Cabdi Cali Macallin       

Cabdulqaadir Xaaji Daahir(Shiikha) 

Axmed Daahir Axmed

Idiris ibraahim Suleymaan

C/qaadir Yuusuf Ciise(Madaxey)

Maxamuud Ciise Faarax

Abuukar  Bakar

Deeqo Cawil Axmed

Nimco Axmed Maxamed

Xaawo Cumar Cali (Xaawo Hiiraan)

Gani Xasan Nuur iyo

Fartuun  Maxamed Cismaan (Cali dheere)

Cabdi Cali Macallin  (Board Chairman)

Guddoomiyaha Guddiga sare ee Ururka Somali Youth Devel. Org in Minnesota(SYDOM)

 

                              Waxaa Diyaariyay  oo noo soo diray C/qaadir Xaaji Daahir Sheikha