JABOUTI,Cayaarahaswedan .com-Keynaan oo ah fannaan Soomaaliyeed oo caalami ah ayaa Wuxuu qeyb ka yahay socdaalka koobka adduunku ku marayo Afrika.

K’NAAN, oo magaciisa u soo gaabiya K’naan, waxaa heestiisa Freedom loo doortay in uu ka qaado xafladda furitaanka koobka Adduunka sannadka 2010 marka la isugu tago Koofur Afrika.
                                             

                                     

 

K’NAAN waa fannaan leh taagerayaal badan oo aan Soomaali ahayn.

Soomaalidana waxaa inta badan xiiseeya da’yarta.

Heesihiisu waa nooca loo yaqaan Rap Music ee sida shiribka ama saarka la isugu tiriyo.

Laakiin erayada uu ku soo qaato, oo ah kuwa uu isagu qorto, waxay u badan yihiin qaar la xiriira xuquuqda aadanaha iyo waddaniyadda.

K’NAAN oo magaciisa oo buuxa uu yahay, Keynaan Cabdi Warsame wuxuu deggan yahay Canada, laakiin aad ayuu ugu safraa caalamka.

Magaaladan London, waxaa uu hadda ka hor ka heesay fagaarayaasha ugu waaweyn oo ay ka mid tahay Trafalgar Square, oo ah barxada la isugu soo baxo sannadka cusub.

 

 

                                        Waxaa Diyaariyay  Maxamed Mukhtaar Sheikh