|
Tartan Cayaaro kubadda Cagta oo ka Furmay Galbeedka London
Tartanka Sanadkaan oo aad u xiisa badnaa waxaa ka soo qeyb galay 8 sedeed Kooxood kuwaas oo loo qybiyay 2 Groub A-B.
Groub A Groub B Cayaaraha Waxay u dhaceen Sidan
London Star Horseed London Star 7VS Harrow F 1
Nabadda West 12 Nabadda 0 VS Shugar T 1
Shugar T Ilmos Horseed 6 VS West 12 1
Harrow Hill top Hill Top VS Ilmos Waa baaqatay Cayaartaa
Horseed 1 VS Ilmos 1
West 12 1 VS Hill Top 2
Harrow 0 VS Shugar T 2
Nabadda 2 VS London Star 0
Hill Top 1 VS Horsed 1
Cayaarahaan Waxay ka Socdaan Galbeedka London Waa koobkii ugu Xiisaha badnaa Waxaa lagu Magacaabay oo loogu magac daray North West London Somali Cup,Waxaana ka soo qeyb galay Marti Sharaf qeymo weyn leh oo aad looga qadariyo Cayaara.
Cayaartii Furitaanka Waxaa nasiib u yeeshay in ay Fooda isku daraan Labada Kooxood oo kala ah London Star VS Harrow,Kulankaas oo ahaa mid aad u adag labadda Kooxoodna ay soo bandhigeen,Cayaar farsamadeeda aad u heer sareyso oo aad loo jecleystay.
Gari Laba nin Kama wada qosleso Waxaa Cayaartaas awood sheegatay Kooxda London Star 7-1 uga badiyay Kooxda Harrow,daawashada Cayaartaas Waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u farabadan oo aan la qiyaasi karin,walow ay goob joog ahaayeen Masuuliyeen aad u heer sareyso oo magac ku leh Cayaaraha.
Tartankaan waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Dhalinyaradda iyo Sportiga Soomaaliyeed ( somali Youth & Sport Association) oo Markii la soo gaabsho loo yaqaan ( SYSA).
Cayaarahaas waxaa maalkooda iyo muruqooda u huray in ay qabsoomaan si fiican loogu raaxeysto ayadoo fursad fiican la siiyay dhaliyarada mustaqbalka ku leh Cayaarah,waxaa ka mid ah ragaas qabtay tartankaas Md: Abdirashiid Islaw,Yaasiin Diinow, Elmi Waabare,Husseen Deeq,iyo Maxamed Haandboll.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh |