London Stars oo si heer sare loogu soo
                                dhaweeyeyMagaalada Banjul ee dalka Gambia


              Shalay oo bishuna ahayd 27 janaayo 2009 ayaa waxaa garoonka
              dayuurada Banjul Airport ee dalka Gambia ka soo degay naadiga
              kubada cagta ee lagu magaabo London Stars oo ka dhisan dalka UK,
              ahna kooxdii ku guulaysatay 2008 koobka koobabka ugu adage e ka
              dhaca magaalada Stockholm /Sweden 
           

              Martidaan oo ka soo duulay magaalada London ayaa ka koobnaa
              cayaartooy, maamul, & odayaal sports. Odayaashaas ayaa hor kacayey
              Abdulkadir Soomareey,Ahmed nuur , Mohamed Qaliif, Bile Cali
              Madbaco, Abdi Ahmed, Hussein Bisad ( Hussein dheere ), Mohamed
              Farah oo ka yimid dalka Canada kana helay casuumad naadiga London
              Stars & Filim qaadihii waynaa Shirwac Guuleed oo u balan qaaday
              bahda sportiga in uu u soo duubo cayaaro xiiso leh.Gudiga London
              Stars ayaa ka koobnaa sidatan.

 

              Gudoomiye: Abdulkar Yusuf ( Uus )
              Tababare: Keytoon, Tababare: Hassan Dhuudhi, Macalin Dahir Osman (
              Gacameey )
              Gudiga qaban-qaabada cayaaraha ka dhacaya Gambia ayaa iskugu jira
              xiriirka kubada cagta dalka Gambia & Gudiga Soomaaliyeed.

              Gudiga qaban-qaabada ee Soomaaliyeed ayaa waxay u hureen
              waqtigooda una dayaceen danahooda gaarka iyagoo ka dan biday sidii
              ay u hor marin lahaayeen horomarka sportiga Soomaaliyeed gudigaas


              oo

              Mudane: Mohamed Hirsi Ilmi ( Mohamed Marti )
              Mudane: Mohamed Osman ( Mohamed Marka ).

                           

 

 

              


             
                                     

            

     

        Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar