Tababarayaal Ku Xiggeeno Xulka Qaranka

 



TORONTO Guddoomiyaha xiriirka somaliyeed ee kubadda koleyga Adan Hagi Yabarow Wiish ayaa wuxuu bishan Feb.05.2009 soo saaray wareegto uu xilal cusub ugu magacaabay tababarayaal ku xigeeno xulka qaranka kubadda koleyga somaliyeed

Guddoomiye Wiish tababarayasha cusub ee uu soo magacaabay waxay ku kala nool yihiin dalalka USA,UK iyo Canada,waxayna kala yihiin.

1. Ahmed Dahir Ahmed
2. Osman Ali Abanur (Bruno)
3. Abdullahi Hagi Elmi (Ereg)

Haddaba somaliweek waxay ku isku dayi doontaa haddii alla idmo in seddexdaas macalin ku xigeeno ay la xiriirto si ay faah faahin dheeri ah uga bixiyaan xilalkas cusub ee lagu magacaabay


 

Dr.Shiis iyo Shiikha


Sidaad hore ula socoteen bishii Jan.01.2009 Guddoomiye wiish wuxuu soo magacaabay tababaraha xulka qaranka kubadda koleyga somaliyeed Abdulkadir Hagi Dahir Shiikha iyo La taliyaha xiriirka somaliyeed ee kubadda koleyga Dr.Osman Shiis

Waxaa in dhaweedba isasoo tareysay isbadal hor leh oo aan hore looga baran xiriirka somaliyeed ee kubadda koleyga uu ku dar dar galinayo horumarinta iyo tayeynta xulka qaranka somaliyeed waliba waxaa intaas u sii dheer dhammaan xilalka cusub waxay ka yimaadeen mas'uuliyiin ka tirsan ururka SSIFO

Wareegtada Guddoomiye Wiish xafiiskiisa sida tooska uga soo baxday waxay u qorneed sidatan.


 

                              waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh