Tacsi Tiiraanyo leh
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Allaha u naxariistee Macallim Nuur Maxamed Siyaad oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa taariikhdii hoggaaminta fidinta diinta Islaamka Soomaaliya uu ka soo qaatay noloshiisii. Haddaba taariikhdaas dahabiga ah waxaan ka soo kala xiganay Sheekh Shariif Sh. Muxuyaddiin iyo Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif, hase yeeshee Sheekh Shariif Sh. Muxuyaddiin ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed iyo shacabkaba ay tebi doonaan geerida Macallim Nuur Maxamed Siyaad.
"Allaha u naxariistee Macallim Nuur |
Maxamed Siyaad wuxuu ahaa caalim dadka u gargaara, madaroosyinka diiniga ah ee uu isagu dhisay halkaan laguma soo koobi karo" ayuu yiri Sheekh Shariif Sh. Muxuyaddiin oo sheegay in meydka Macallim Nuur lagu aasayo dalka gudihiisa dhowaanna la soo qaadi doono.
Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo isagu ka mid ah mashaa'iqdii ka soo baxday madarasooyinka Macallim Nuur ayaa Warbaahinta uga warbixiyay fidinta diinta Islaamka kaalintii uu ku lahaa Macallim Nuur Maxamed Siyaad, isagoona sheegay in macallim Nuur uu jeebkiisa ka dhisay in ka badan 30-Masaajid oo ku yaala Muqdisho iyo hareeraheeda.
"Masaajidada uu Macallim Nuur dhisay, Khadiibka iyo laba wadaad kale oo si khaas ah u ilaaliya masaajidka Macallim Nuur isaga ayaa keebkiisa uga qoray masaajid" ayuu yiri Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo sheegay in ujeedada ugu weyn ee Macallimka uu ka lahaa ay ahayd in lagu baahiyo diinta islaamka iyo barashada cilmiga.
Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif in Macallim Nuur uu ahaa Sheekh sadaqo badan bixiya oo kaalmeeya had iyo goor fuqarada iyo dadka aan waxba heysan, waxaana noloshiisa xilliyadii ugu dambeysay uu walaayada uga dardaarmay wiilkiisa oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Macallim Nuur.
Taariikhda shacabka Soomaaliyeed kahor geerida Macallim Nuur waxay had iyo goor maqli jireen qabuuraha Macallim Nuur (Km13) dhulkaas oo Macallim Nuur uu iibiyay wuxuu ka kooban yahay 1500-Boos, wuxuuna Macallimka intii uu noolaa ugu talo galay in meydadka lagu aaso, wuxuuna qabuurahaasi asaasay 25-sano kahor.
Allaha u naxariistee Macallim Nuur Maxamed Siyaad wuxuu ku dhashay gobolka Galgaduud sanadkii 1920-kii, isagoo isla gobolkaasi ka asaasay dugsigii ugu horeeyay, waxaana Macallim Nuur ka diin qaaday mashaa'iq fara badan oo uu isagu soo qur'aan baray.
Bahda Shabakaddan waxay tacsi u dirayaan eheladii, qoyskii, qaraabadii iyo xertii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Macallim Nuur Maxamed Siyaad, waxaana idiin soo gudbin doonaa qeyb kale oo ka mid ah waayihii dahabka ahaa ee Macallim Nuur Maxamed Siyaad ka soo qaatay fidinta Islaamka.
Inkasta oo bani'aadamka uu ogyahay inuu mar uun dhedheminayo mowdka, loona baahan yahay nolosha inta aad ifka joogto inaad la timaado camal wanaagsan, ayaa waxaan u soo jeedineynaa qof kasta oo Soomaaliyeed inay la timaado camal wanaagsan iyo cibaado suuban, taasi oo adduun iyo aakhiraba ay anfaceysa.
Waxaan halkan ugu direeynaa qoyskii iyo heladii uu ka geeriyooday sheekh Macalin Nuur Maxed Siyaad oo ku geeriyooday dalka Kenya magaalada Neyroobi,waxaan lee nahay Inaa li laahi wa inaa ileeyhu raajicuun,geerida waa xaq cid walbana waa dhimaneeysaa balse sheekha waxaa ilaah oofsaday xili dalka,dadka iyo diinta eey ku jirto murugo,waxaan leenahay reerka uu ka dhashay iyo dhamaan somaliweeyn Saabiruu,waxaan Ilaah ka baryeeynaa in uu noogu bedelo sheekh ruux sidiisa oo kale oo umada somali u qidmeeya.
Waxaa tacīsida diraya
dhamaan bahda ispoortiga soomaaliyeed oo isku duuban,gaar ahaan Gudiga qaranka olympikada soomaaliyeed oo uu ugu hareeyo gudoomiyaha Aadan xaaji yabarow , Xoghayaha Guud C/Laahi Tarabi iyo Xubin gudiga Maxamed Shukri , Gudoomiye ku-xegeenka 1aad Duraan Faarax iyo bahada ispoortiga SWEDEN iyo odayaasha degen Stocholm oo kala ah:-
1) Sheikh Muxuyadiin iyo Xaaskiisa
2) Xaaji abuukar Caraaye iyo Xaaskiisa
3) Xaaji Axmed Caraaye iyo Xaaskiisa
4) Maxamed Mukhtaar Sheikh
5) Xamdi Sheikh Axmed
6) Abuukar Dhabarey
7) Enj: Sheikh Cabdullqaadir
8) Cali Macow iyo Xaaskiisa
9) Xasan Cali
10) Cali Cumar
11) Sheikh Daauud
12) Enj Cali
13) Sheikh C/casiis
14) Cabdi Dhuxul
15) Cali Baashi
Qoyska Axmed Maxaed oo degen dalka Denmark oo kala ah
Axmed Maxaed Xassan,qoyskiisa Maryan Axmed Hirabe
caruurtiisa oo kal ah :
Maxed Axmed
Munna Axmed
Cabdalla Axmed Sumaya Axmed
iyo Ruweeyda Axmed
sida oo kale Abti Cali Axmed Hirabe iyo qooyskiisa oo degen dalka Sweden.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh