Macallin Tuke & wafdi isboorti oo uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Minnesota
Wafdi Isboorti oo aad u ballaaran oo ka socday gobolka Ontario(Canada)ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Minnesota, wafdigaasi waxaa hoggaaminayay rug caddaagii isboortiga Soomaaliyeed magaca iyo qadarinta ku lahaa, Macallin Cabdullahi Xasan Saalax (Macallin Tuke),kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen: Macallinkii xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo naadigii LL.PP Cabdi Maxamed Ciye “Cabdi Dheere”, Macallin Cabdi Diputati oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii K/koleyga heerka 1aad ee naadiga Somalita/Batroolka, halyey Xasan C/llahi Saalax, iyo Hassan Joof oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii Soomaaliyeed ee k/cagta iyo Koleyga, haatanna ka mid ah qabanqaabiyaasha isboortiga Canada,Faarax Jaamac Nuur”Oday” oo ah guddoomiyaha ururka Today iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee XSKK, Sidoo kale waxaa isaguna joogay xiddiggii K/koleyga ee naadiga Badda iyo Xulka qaranka Maxamuud Muuse ”Shimad” oo ka yimid magaalada Boston ee carriga Maraykanka.


Wafdigaasi iyaga ah ayaa iyagu saddexdii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota,waxaana shirar kala duwan ay la sameeyeen ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (SYDOM) iyo guddiga isboortiga ee Gobolka Minnesota.
Qodobadii ugu waaweynaa ee laga hadlay,lagana dooday ayaa waxaa ugu muhiimsanaa horumarinta isboortiga Soomaaliyeed guud ahaan, taageeridda isboortiga dawlad goboleedka Puntland,xallinta iyo khilaafaadka Isafgaran waaga bahda K/koleyga gaar ahaan reer Minnesota iyo Canada iyo samaynta urur isboorti oo lagu magacaabo North Amerika Diaspora oo kulmin doona isboortiga noocyadiisa kala duwan.
Muddadii ay shirarku socdeen dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa: garsoore/caalmii Maxamed Xasan Qolof oo isagu ku hadlayay magaca K/cagta Minnesota, Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed, Macallin Idiris, C/qaadir Shiikha,Axmed Daahir, C/qaadir Madaxey,Maxamed Dheere,C/qaadir Daahir,C/wahaab, Maxamuud Ciise iyo Fartuun oo giddigood ka socday Minnesota, Macallin Cabdi Dheere,Cabdi Diputati,Faarax Oday iyo Xasan Tuke oo ka socday Canada,Maxamuud Yuusuf oo ka socday Boston, iyo dad kale oo faro badan, kuwaasi oo giddigoodaba ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo isboortiga Soomaaliyeed, lagana fogaado qabiilka iyo waxa hoos u dhigaya Isboortiga Soomaaliyeed.


10/10/2009 ayaa Qado sharaf loogu qabtay buffet ku yaalla dhinaca woqooyi ee Minneapolis, waxaana ka hadlay Rug caddaaga isboortiga Soomaaliyeed C/llahi Xasan Saalax (Macallin Tuke), oo madasha ka sheegay in isboortigii Soomaaliyeed 20 kii sano ee ugu dambaysay uu jahwareer ku jiro , waxaana muuqanaysa in marba marka ka dambaysa ay sii duugmayso taariikhda isboortiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado si looga gudbo khaladaadka jira oo haddii indhaha laga qarsado ay gaari karto heer aanan waxba laga qaban Karin.
Macallin Tuke oo isagu aan ku tilmaami karo inuu yahay aabihii isboortiga Soomaaliya marka laga soo bilaabo xilligii uu ciyaartooyga ahaa ilaa heer tababaranimo, muddo aad u dheerna ku dhex jiray isboortiga Soomaaliyeed, khabiirna ku ah hawlaha Isboortiga ayaa si wayn uga dhawaajiyay baahida loo qabo in la abuuro urur kulmiya isboortiga North Amerika, noocyadiisa kala duwan ,lana sameeyo israac iyo isku-xir bahdii isboortiga Soomaaliyeed u soo halgantay iyada oo loo marayo dariiqa wanaagsan, arrintaasi oo si aad ah ay ugu riyaaqeen dhammaanba dadkii madasha joogay, loona soo dhaweeyay si weyn baaqaasi isaga ah.
Macallin Tuke, ayaa isaga oo ku hadlaya magaca wafdiga waxaa uu u mahadceliyay reer Minnesota casuumaaddaasi qadada ay u fidiyeen.
Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa martida ku soo dhaweeyay gobolka Minnesota, waxaana uu aad u ayiday fikirka rug caddaaga isboortiga Soomaaliyeed macallin Tuke oo uu sheegay inay ahayd in horay loo abuuro, ayna nagu jirtay haddii aynu nahay bahda isboortiga ee Minnesota in la unko ururkaasi oo dhidibada loo taago,haatanse ay noqotay waqtigii ku habboonaa.
Cabdi Cali ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirkii soo jireenka ahaa ee Reer Minnesota iyo Canada oo soo billowday sannadkii 1998kii, kaasi oo gaaray in kooxo ciyaareed oo kubadda koleyga iyo cagta ay isaga gooshaan labada magaalo ee Toronto iyo Minneapolis, waxaana uu carrafka ku dhuftay in dib loo soo nooleeyo xiriirkaasi oo boorka laga jafo.

Qado sharaftaasi waxaa goob jog ka ahaa bahda isboortiga ee Minnesota iyo Canada oo kala ahaa: Cabdi Cali,Macallin,Ibraahim Suudaani,Garsoore/caalami Qolof ,Cabdi Yuusuf, Idiris Ibraahim,Axmed Daahir,C/qaadir Shiikha, Cabdiqani Salad, Cabdi Gabayre “Duwe”,C./qaadir Madaxey,Maxamuud Ciise,C/qaadir Dalmar,Maxamed Dheere, Deeqo Cawil, Fartuun Xasan, Xaawo Hiiraan,Nimco Kenyaati iyo Gani Xasan.
Qadadii ka dib ayaa loo dareeray garoonka K/koleyga ee MNIC, halkaasi oo ciddiyaha iyo ilkaha lagu diriray, waxaana guushii ay raacday kooxdii odayaasha ee uu hoggaaminayay Maxamuud Ciise oo keensaday 57 dhibcood, halka kooxda Faarax Oday ay ka keensadeen 55 dhibcood.
Kooxda Maxamuud Ciise ayaa ka koobnaa: Macallin Idiris,Cabdi Diputati, C/qaadir Daahir,C/wahaab, Maxamed Dheere iyo Hassan Joof.
Halka kooxda Oday ay ahaayeen:Macallin Cabdi Dheere,C/qaadir Madaxey, C/qaadir Shiikha,Axmed Daahir,C/llahi iyo Cabdi gabayre”Duwe”.
Diyaariye:Shiikha