Somaliska Diaspora Culture And Sports Association oo mahadcelinbalaaran usoo jeedisey shaqsiyaadkii ka qaybqaatay Safarkii Jabuuti
Mahadcelin
Guddoomiyaha ururka diyaasbaraha,Bahda Isboortiga ee Sweden,London,North Ameerika iyo Canada  waxaa ay halkan mahadcelin ballaaran uga dirayaan dhammaanba dadkii gacanta aadka u weyn ka gaystay taakulayntii dhinaca dhaqaalaha ee  loo sameeyay dhallinyaradii  ka qayb-gashay tartankii cayaaraha qurbajoogta  oo lagu qabtay dalkaasi jabuuti March,2009.
Dadka sida aadka ah loogu mahadceliyay waxaa ka mid ahaa:
1. Ahmed Xasan  Agaasimaha ururka SSUF
2.Siraad Buulle    Guddoomiyaha ururka  LKIF

3.Sheekh Bashiir  Mamulaha Iskuulka  Al-azha

4-Xamdi Sheikh Axmed Gudoomiyaha Cayaaraha Xagaaga heerka 1aad

    Axmed Xasan- Agaasimaha ururka SSUF iyo Xamdi Gudoomiyaha UCH1aad
Bidix: Cali Garaash-waa taageero weyun ee ispoortiga iyo Axmed Xasan(maamulaha Ururka SSUF)
Siraad Buulle- Guddoomiyaha ururka LKIF
Shakhsiyaadkan  iyaga ah  ayaa waxay ku sifoobeen inay mar waliba  taageero hiil iyo hooba la garabistaagaan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed, waxaana ku baraarujinaynaa dadka kale inay ku daydaan walaalahaasi u istaagay horumarka iyo dhiirrigalinta isboortiga soomaaliyeed
Abdi fitah yare- Sweden