Meydka Faarax Sendiko oo si heer Qaran ah loogu aasay Magaalada Muqdisho

Waxaa saaka si heer Qaran ah loogu aasay Qabuuraha Xaaji Dalfac ee Degmada Yaaqshiid meydka Marxuum Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, shalayna Muqdisho la keenay.

Meydka Marxuumka oo Salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro oo isugu jiray Ehellada iyo Asxaabta Marxuumka, Bahda Isboortiga Soomaaliyeed iyo dad kale oo aan marxuumka aqoon gaar ah u lahayn balse la dhacsanaa taariikhdiisa iyo waxqabadkiisii Isboorti.

Sikastaba ha haatee

Kadib waxaa meydka marxuumka loo qaaday Qabuuraha Xaaji Dalfac, halkaasi oo si heer Qaran ah loogu aasay, iyadoo ay aaskiisa ka soo qeybgaleen Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Macallin Nuur Maxamed Siyaad iyo weliba mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ka xusi karno Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadkii ka qeybgalay aaska marxuumka ayaa intii aysan ka tegin Qabriga waxay marxuumka ugu duceeyeen in uu Allaah Naxariista Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka tegayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Taariikh wanaagsan ayuu lahaa waxaana laga suxi karaa.

Farah Zendiko wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho 1940, yaraantiisii wuxuu jeclaa ciyaaraha gaar ahaan kubada cagta, sanadii 1956 wuxuu ka mid noqday kooxda Shangaani ee seria B, isla sanadkaasi wuxuu ku biiray ciyaarta feerka oo xiligaas aad loo jeclaa, 1960 wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda heerka labaad seria B ee Boondheere.

Farah Zendiko wuxuu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 1962 markii uu jilibka dhaawaca ka soo gaaray, wuxuuna u wareegay dhinaca garsoorka kubada cagta, 1963i ayuu noqday garsoore heerka labaad , halka uu 1967 u dalacay garsoore heerka koowaad , sanadkii 1969 wuxuu noqday garsoore heer caalami ah.

farah Zendiko 1972 kii wuxuu noqday madaxa sports iyo dhalinyarada ee degmada Boondheere .

Sanadkii 1975 kii wuxuu Farah Zendiko noqday gudoomiye ku xigeenka xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo xubin gudiga Olympic soomaaliyeed ah, halka 1978 uu ka noqday gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiye ku xigeen gudiga olombikada soomaaliyeed,1978 wuxuu xubin ka noqday xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA.

Sanadkii 1980 wuxuu Jalle Zendiko xubin ka noqday gudigii joogtada ahaa ee xiriirka kubada cagta qaarada afrika ( CAF ),halka uu sanadkii 1984 kii ilaa 2004 xubin ka ahaa gudiga fulinta xiriirka kubada ee jaamacada carabta.

Sanadkii 1988 faarax Zendiko wuxuu xubin ka noqday gudiga fulinta xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika ee CAF, wuxuu kaloo isla sanadkaas noqday gudoomiyaha garsoorayaasha afrika iyo waliba xubin gudiga garsoorayaasha kubada cagta ee aduunka FIFA.

C/laahi Xasan Baliil.

Baliilkhan10@Hotmail.Com

Xafiiska Cayaaraha Swedan.Com

Muqdisho-Somalia