Casho sharaftan oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah bahwaynta cayaaraha ee dalkan sweden magaalada caasimada Stockholm gaar ahaan bahda kubadda kolayga iyo K/Cagta ay soo qabanqaabiyeen guddiga qabanqaabada cayaaraha Xagaaga ee Heerka 1aad, waxaa si gooni gooni ah looga hadlay heerkii iyo taariikhdii sport ee Miski iyo kaalintii ay ku laheed bahwaynta kubadda kolayga.
Waxaa Hadalka Furitaankii ka soo jeediyey Garsooraha Caalamiga ah Maxamed Mukhtaar Sheikh oo ka hadlay cashadan ayaa ka warbixiyey aqoontiisa ku aadan MIski Cumar Cusmaan asagoo sheegay in ay hormuud u ahaad cayaartoydii Gabdhaha uu dhinac walba uga dayan jiray isla markaana ku amaanay aqlaaq wanaageedi ay ka muujin jirtay garoomada. Haddii aan taariikhdeeda Miski soo koobno,Miski Cumar Cusmaan Waxay ku dhalatay Gobolka BAY Magaalada Baydhabo 1962, waxbarashadeeda Dugsiga hoose waxay ku soo dhigatay magaalada Baydhabo kan dhexe iyo kan sare waxay ku dhigatay Magaalada Muqdisho,Cayaaraha wuxuu ku soo biirtay 1973 Degmooyinkii ugu horeeyay ee lagu qabto gobolka Banaadir,Xulka Qaranka ee K/Kolayga waxay ka tirsa1973 ilaa 1979,
Guddoomiyaha gudiga Cayaaraha heerka 1aad Xamdi Sheikh Axmed ayaa asaguna ka warbixiyey heerka qabanqaabo ee ee sanadkan tartanka la qabanaayo iyo kuwii hore oo ay soo qabteen cayaaraha K/Cagta,kubadda kolayga iyo C/Fudud asagoo madashaas ku casumay in ay Miski sanadkaa ay ka soo qeyb gasho cayaaraha K/Kolayga oo la qabanaayo 2009.waxaa halkaas hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Bashiir Jeenyo oo ay isku koox ahaayeen Miski Markii ay u Cayaareysay kooxdaas.
Waxaa kaloo halkaasi hadalo mahadcelin ah ka soo jeeediyey guddoomiye Diyaasbarada Sweden Md: Maxamed Muuse (Jabros) oo ka warbixiyay u diyaargarowga cayaaraha diyaasbarada sanadkaan loo aadayo meelo badan oo ay ka heleen Casuumado.waxaa hadalkii qaatay Agaasimaha Ururka SSUF MD: AXmed Xasan oo halkaas ka soo jeediyay warbixin kooban howsha uu qabto ururkiisa iyo in uu la mataaneysanyahay Ururkii Cayaaraha Qabanjiray.waxaa intaas hadakii siiraaciyay Gudoomiye Ku Xegeenka Ururka SSUF ahna Gudoomiyaha Denmarka Maxamed Shukri oo si fiican uga warbixiyay, waxaa ka loo hadal soo dhaweyn ah halkaas ka soo jeediyay Mr. Abuukar deeqow (BOSS CAATO)isagoo ka warbiyey safarada tartamo ay ka qayb galeen iyo waxqabadka guddiga tartan xaagaaga ee heerka koowaad oo toban jirsaday.
waxaa hadalkii qaatatay Xiddigtii K/Kolayga Miski Cumar Cusmaan aydoo ka mahad celisay casho sharafta loo sameeeyey iyo sida diiraneyd ee la ii soo dhaweeyey iyadoo la qiyaaasi karin habka soo dhaweynta, ayadoo hadalkeedii sii wadata ayay ka hadashay in isboortiga kor loo qaado lana mideeye loona midoobe, sida aan ogahay Sweden waa hooyadii isboortiga qurba jooga kana bilowdeen tartamada hadda ku faafay yurub ay hooyo u ahayd, ayadoo aqbashay casuumadda loo fidiyey, kana warbisay isboortiga ingariiska iyo Ururkii hada lagu dhisay Cayaarihii la qabtay SIFO oo ay ka mid tahay gudiga Fulinta ururkaas.
Miski Cumar Cusmaan intii ay joogtay Magaalada Stockholm Waxay la kulantay Xoghayaha Guud ee GOS Md: C/laahi Axmed Tarabi oo ay isla soo qaadeen in shirweynaha GOS ay ka soo Qeyb galaan Gabdhihii hore ee Cayaarijiray,Xoghayaha oo isna balan qaaday in la Casumi doono Gabdhaha.
Waxaa kaloo halkaansi ka hadlay Ku-xigeeenkii hore ee xoghyaha Guud ee Guddiga Olimbikada Saoomaaliyeed Mr. Xasan Gelle wuxuuna ka hadlay horumarinta isboortiga dibadda isagoo soo qaatay in dalka uu san ka jirin tartamo isbioorri loona baahan yahay in la matalo qaranka soomaaliyeed ayaa DIYAASBARADA dibada ay u diyaar garoobaan in ay matalaan qaranka soomaaaliyeed.
Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Mr. Ibraahim Galbeyte wuxuuna ka hadlay sidii u bilowday tartamada maanta toban jirsaday iyo isagoo horey dalka u geeyey deeqo galab iyo waxbarasho isugu jirta, wuuna u mahad celiyey ciyaaryahanad weyn Miski Cumar Cusmaan hadaladii qiimaha iyo quubaabada lahaa ay soo jeedisay.
Waxaa sidoo kale halkaas hadalo mahadcelin ka soo jeediyey Mr. Abukar (Dhabarey) oo ka waramay qaabka farsamo ay u dhacayaan tarmada ciyaaraha xaagaaga heerka koowaad wuxuun ku tilmaamay mustaqbalka in ciyaartaha diyaasbarada ay noqdaan kuwa mid ah.
waxaa kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn goob joog ka aheyd Maryan Ciise oo ka mid eheeds Gabdhihii K/Kolayga Cayaarijiray iyo Axmed Kumbiyuutar oo ka hadlay soo dhaweyntaas.










