|

Waxaa Doorashadii Gudiga Olombikada soomaaliyeed ku guuleystay Aadan Xaaji Yabarow ( Wiish) 2009

Arbaco, March 18, 2009(HOL): War deg deg ah oo naga soo gaaray Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegayaa in lagu kala baxay doorashadii hoggaanka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, isla markaana uu guddoomiyenimada Guddigaas ku guuleystay Aadan Xaaji Yabarow Wiish.Doorashada oo saaka ka dhacday Hotel Kulan ee Magaalada Djibouti ayaa waxaa guddoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed u tartamayay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ahaa Guddoomiye ku Xigeenkii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
Xiriirrada iyo Ururrada soo doorta hoggaanka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo 19 ahaa ayaa 18 ka mid ah waxay u codeeyeen Aadan Xaaji Yabarow Wiish, codka kaliya ee soo harayna waxaa helay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, sidaasna waxaa Guddoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ugu guuleystay Aadan Xaaji Yabarow Wiish.Kadib doorashadii ayaa sii socotay, waxaana la doortay Guddoomiye ku xigeennada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana ku kala guuleysay Duran Faarax oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1aad, Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 2aad iyo Xasan Axmed Cabdi oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 3aad.
Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeedna waxaa loo doortay C/llaahi Axmed Tarabbi.Doorashadan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wakiillo ka socday Guddiga Olombikada Adduunka IOC, Guddiga Olombikada Jabuuti, Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya iyo Khubarro Isboorti oo Soomaali ah, kuwaasi oo Qurbaha uga yimid in ay goob-joog ka noqdaan doorashada Hoggaanka Guddiga Olombikada
Soomaaliyeed.Dhanka kalena, markii Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yarabow Wiish uu xaqiijiyay in uu ku guuleystay doorashada ayaa isagoo u damaashaadayay guusha uu gaaray waxaa lagu soo wargeliyay war naxtin leh, kaasi oo ahaa in ay Xaaskiisii Drs. Khadiija Maxamed Nuur ay ku geeriyootay Dalka Talyaaniga.waxaan tacsi u dirayaan dhamaan bahda isboortiga soomaaliyeed meel ksto oo ay joogaan waxaan leenahay gudoomiyaha Cusub ee COS samir iyo iimaan alaha naga wada siiyo Aamiin Aamiin.
waxaa Tacsidaas Dirayo Bahda Ispoortiga ee Qurbajooga ah:-
1) Axmed Sheel (Aabaha Ispoortiga)
2) Maxamed Macallin
3) C/qaadir Bootaan (isoomarey)
4) Axmad Nuur (seyga Ruushka)
5) Miski Cumar Cusmaan (Gudoomiyaha haweenka ururka SIFO)
6) Bashiir Jeenyo
7) Xamdi Sheikh Axmed
8) C/Raxmaan Maxamuud Guhaad (shiino)
9) C/laahi Ereg (Xaaji)
10) Yoonis Galbeyte
11) Abuukar Deeqow (Boos Caato)
12) Abuukar Dhabarey
13) A/qaadir Ciise (Biyoole)
14) Maxamed Shukre (Gudoomiyaha Denmarka)
15) Maxamed Muuse (jabroos)
16) Axmed Daahir
17) C/qadir Xaaji Daahir (Sheikha)
18) Xuseen Deeq
19) Ibraahim Galbeyte
20) Super Khaali (fanaanka weyn ee reer Sweden)
21) Daamey
22) Cabdi Mahad
23) Cabdi Xaaji (Akookow)
24) Cilmi
25) C/qani Caalin
26) Islow
27) Yasiin Diinow
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|